Posts

Baarlamaanka Puntland Oo Kalsoonida Kala Laabtay Golaha Xukuumadda



Golaha Baarlamaanka Puntland, ayaa kalsoonida kala laabtay Xukumadda Puntland, ka dib markii ay maanta codka Kalsoonida u qaadeen.Waxaa Kalfadhiga fadhiyay 57 Xildhibaan, waxaana u codeeyay in Xukuumadda la rido 47 Xildhibaan oo Haa ku codeeyay.

Mooshinka lagu riday Xukuumadda Puntland ayaa ahaa todobaadkan mid si hoose u socday, waxaana uu aad uso shaacbaxay habeenkii xalay oo kulamo ay ka socdeen Garowe.Waxaa Madaxweynaha Puntland horyaala hadda inuu aqbalo Xukuumadda, waxaana haddii uu aqbalo uu haystaa 21 maalmooduu Xukuumad cusub kuso dhisayo
Puntland ayaa laga dareemayaa Xukuumadda kalsoonida lagala laabtay, waxaana ay arrintan kuso beegmaysaa xilli dhamaadka bishan uu deegaanada Puntland ku soo wajahanyahan madaxwaynaha dawlada fedraalka soomaaliya mudane maxamed cabdulaahi farmaajo.

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Developed by Jago Desain