Daawo Kaftanka Siyaasada: Khaliijka, Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Mooshinka RW Khayre


Waxaanu Halkan idinku soo gudbinaynaa Barnaamijka xiisaha badan ee Kaftanka Siyaasadda oo ay Soo Jeediyaan Wariye Cali Xaraare iyo Yaasin Ducaale.

waxaana todobaadkan lagu soo qaatay qodobo xiiso badan

Ugu horayn waxaa lagu bilaabay Arimaha Siyaasadeed ee Khaliijka iyo Culayska Sucuudigu uu ku hayo Soomaaliya, Waxaa sidoo kale lagu xusay Muqdisho iyo Saamaynta Khadka Internetka oo go’an, Somaliland oo maalintii Gobanimada ee 26-ka June ku Badashay Gunimo, Sidoo kale Xubnihii ugu badnaa ee Somaliland ee Bulshada Xoolahooda dhacay oo Cimrada tagay, Arinta Puntland iyo shacabka, iyo Sifo la yaab leh oo lagu sheegay Mucaaridka Xukuumada RW. Khayre.

Fasal Cali waraabe oo dhinac kasta Aflagaado iyo Xumaan u gaystay Islamarkaana hada Xaalkiisa lagu sheegay Afarta Jiho ma tegi karo ee Halkaa dhexe igu Wareejiya,

Barnaamijka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaatay Madaxwaynaha Galmudug iyo Qodobo kale oo Xiiso leh.

daawasho wacan

Developed by Jago Desain