Posts

Degdeg: Madaxweynaha Puntland oo aqbalay go,aanka baarlamanku ku kala direy Wasiirada


Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” ayaa aqbalay go,aankii maanta baarlamanka Puntland ku kala direy golllaha Wasiirada, wuxuuna ku tilmaamay inuu qodob dastuuriya yahay go,aanka uu qaatey baarlamanka Puntland Islamarkaana uu mudada dastuurku u ogol yahay kusoo dhisi doono Golle Xukuumadeed isaga oo sheegay inuu la tashan doono Madaxweyne kuxigeenkiisa.

Madaxweyne Cabdiweli maxamed cali Gaas oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa dhanka kale ugu baaqay shacabka iyo ciidamada Puntland inay ka wada qeyb qaataan ilaalinta Amniga.
golaha xukuumada ee la kala diray ayaa u badnaa gole fadhiida oo ku fashilmay shaqdii loo igmaday , iyadoo la badino inuu madaxwaynuhu ku soo celin doono golaha cusub ee uu soo dhisi doono wasiirada qaar ka mid ah oo shacabka puntland shaqo adag u hayay oo aan laga maarmi doonin

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay ka dhacdo Puntland in baarlamankeedu kala diro Gollaha Xukuumadda.

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Developed by Jago Desain