Faallo: Wasiirrada Puntland ma Dan Guud baa loo riday Mise Dan Gaar ah?

Wasiirrada Puntland ma Dan Guud baa loo riday Mise Dan Gaar ah?

Gollaha Barlamanka Puntland oo kamid ah Saddex hay’adood ee ugu sareeya puntland ayaa shalay oo ahayd Talaado Kalsoonidii kala noqday dhammaan golaha wasiirrada, kadib markiiay ku eedeeyeen inay ku fashilmeen howlihii loo igmaday.

Barlamanka oo ku guda jiray Kalfadhigoodii 39aad ayaa dood kulul oo ay yeesheen Isniintii ku dhaliilay arrimo badan oo ay kamid yihiin amniga guud ee Puntland iyo inay xukuumaddu wax ka qaban weyday baahiyaha shacabka.

Fadhigan ayaa waxaa soo xaadiray 57 Xildhibaan waxaana inta laguda gelin shaqadii Barlamanka u taallay ay cod gacan taag ah ku aqbleen intooda badan in ajanduhu noqdo cod u qaadista Kalsoonida wasiirrada iyadoo la hakiyey qodob lagaga doodii lahaa Kulanka ooa y kamid ahayd xisabaadka maaliyadda.

47 kamid ah Xildhibaanada ayaa aqbalay in ay u codeeyaan in kalsoonida lagala noqdo in kabadan 50 Wasiir oo ay ku jiraan kuwo magacaaban Muddo kooban, halka qaybtood joogeen ilaa waqtigii uu xafiiska yimid Madaxweyne Gaas.

Tallaabadan ayaa dad badan is-weydiinayaan sababta ay ku timid iyo waxa keenay in hal mar la rido xukuumad dhammaystiran islamarkaana isugu jira qayb shaqadoo si fiican u gutay oo dadaal dheer la yimid iyo kuwa ka seexday shaqdii loo igmaday oo ku fashilmay hogaaminta wasaaradahooda.

Sida ay xaqiijinataan ilo xog ogaal ah, arrintan ayaa salka ku haysa is-mari waa dhexmaray Guddi ay dirsadeen Barlamanka Puntland oo u tagay Madaxweynaha si ay ugala niqaashaan lacag 15 Milyan ah oo deeq ahaan looga helay waddanka Imaaraadka.

Guddigan ay soo wakiisheen 66 mudane ee golaha shacabka ayaa raadinayay inay qoondada ay ka heli karaan lacagtaas oo qaybteed mar hore lagu bixiyay dhismayaasha Garoonka diyaaradaha Garowe iyo wadada Ceel-daahir, taasoo Madaxweynuhu amray in lagu kabo barnaamijyadaas.

Xubnaha ayaa Madaxweynaha weydiiyay sida ay sheegayso xogtu halka lacagtaas ku baxday, wuxuuna si faah faahsan ugaga waramay goobaha lagu bixiyay, balse Guddiga ayaa weydiistay in meel la saaro lacagta Xildhibaanada oo gaaraysa 5 Milyan.

Madaxweyne Gaas, ayaase Mas’uuliyiintii lasoo wakiishay u sheegay inuusan lacagtaas hayn oo uu ku bixiyay hormarinta waddanka iyo kor u qaadista Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Xogtan oo ay bixiyeen mas’uuliyiin katirsan laamaha arrintani khusayso ayaa intaas ku daraysa in Xildhibaanada Puntland ku goodiyeen inay Mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keeni doonaan Madaxweynaha maadama uu bixin waayay laaluushkii laga raadinayay.

Talo ay isugu noqdeen Xildhibaanada Puntland, waxay isku raaceen inay ridaan Xukuumadda si loogu xumeeyo Madaxweynaha oo waqtigiisu ka harsanyahay Sannad iyo Bar, tallaabadaas oo ay ku dhaqaaqeen shalay.

Arrintan oo ku soo beegantay xilli xaalad adag ay ku jirto Puntland, ayaa dadweynuhu siyaabo kala duwan u fasireen, waxaana laga muujiyay walaac iyo dib u dhac siyaasadeed oo ay Puntland cagta saartay, waxaana aad loogu falanqeeyay goobaha bulshadu ku kulanto, warbaahinta gudaha iyo caalamka intaba.

Wasiirrada la diray ayaa qaybtood hormuud ka haa Guddiyo loo xilsaaray soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo, qaban qaabada Xafladda 1 Augousto ee Aas-aaska Puntland iyo kuwo qiimayn ku waday weerarkii lagu qaaday Tuulada af-urur oo lagu dilay ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland.

Go’aankan oo taariikhda markii ugu horaysay ay ku dhaqaaqeen Xildhibaanada barlamaanka puntland ayaa muujiyay nidaam darada iyo aqoon la,aanta ka dhex socota gudaha barlamaanka puntland iyadoo ay haboonayd inay u yeeraan golaha wasiirada oo xisaabtan adag la sameeyaan kadibna kalsoonida kala noqdaan wasiir kasta oo shaqadiisa sidii la rabay uga soo bixi waaya , ma ahayn inay danbiga cidi gashay cid kale u qabtaan

talaabadan ay ku kaceen xildhibaada ayaa dhiiri galisay musuqmaasuqa ayadoo farriin khaldan gaarsiisay cid kasta oo aminaysanwyd in qorshe horumarineed waqti qaadanaya fuliso in xildhibaanadu subax soo kacaan oo ay ridaayaan golaha wasiirada oo dhan ayagoo ku xumaynaya madaxwaynaha oo ay waxay ka doonyeen ka waayeen.

Developed by Jago Desain