Posts

Golihii Wasiirada Puntland Ee Kalsoonida Lagala Laabtay Oo Soo Bandhigay Waxqabadkoodii Mudadii Ay Xilka Hayeen

Golihii Wasiirada Puntland Ee Kalsoonida Lagala Laabtay Oo Soo Bandhigay Waxqabadkoodii Mudadii Ay Xilka Hayeen

Magaalada Garowe ee Caasimadda Dowladda Puntland waxaa ka socda madal ay waxqabadkooda kusoo bandhigayaan Golihii Xukuumadda Puntland ee Xasaanada lagala laabtay dhowaan.

Wasiiraddii xukuumadii Puntland ee dhawaan barlamaanku kala noqdeen kalsoonidii, ayaa waxay bilaabeen inay soo bandhigaan waxqabadkoodii intii ay xafiiska joogeen, iyadoo barnaamijkaan ay taageerayso madaxtooyada Puntland.

Barnaamijkaan oo saakay ka bilowday xarunta jaamacadda bariga Afrika faraceeda Garowe,ayaa afar wasaaraddood oo kala ah, caafimaadka, waxbarashada iyo, warfaafinta iyo Beeraha waxay bulshada usoo bandhigayaan waxqabadkoodii, si ay kalsoonida uga helaan bulshada.

Sadexda Maalmood ee so socota ayaa wasiiradii Codka kalsoonid lagala laabtay goobta kuso bandhigi donaan wasaradahooda waxyaabihii ay u qabteen bulshadda Puntland intay xilka hayeen

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la Sheegay in uu soo celin doono qaar  ka mid ah golihiisii xukuumada, laakiin barlamaanka Puntland ayaan la ogayn go’aanka uu kaqaadan doono arrintaan 

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada CAlbariCalbari 

Developed by Jago Desain