Posts

isimada Puntland : Waa in si guud loo eegaa tabashada beelaha oo dhan maaha in beel gaar ah la fiiriyo

isimada Puntland : Waa in si guud loo eegaa tabashada beelaha oo dhan maaha in beel gaar ah la fiiriyo


Isimaddii ugu faraha badnaa oo ka socda gobalada Puntland ayaa kulan xasaasi ah uga bilaabanayaa magaalada Garoowe, kaas oo ay diiradda ku saarayaan Ajendaha horyaala ee ah kordhin xubnaha golaha Wakiilada, ayna kaga jawaabayaan tabashada Beesha Tanade Daarood.

Isimadda oo ka badan 50 Isim ayaa ujeedada rasmiga ah ay abaari doonaan, waxaana adag in ay isku raacaan go’aan aan ka wada farxin doonin dhamaan beelaha Puntland.

Isimadda beesha Hartiga iyo beelaha kale ee Puntland oo ay ka maqan tahay beesha Leelkase ayaa maanta leh shirkan, waxaana kulanka shir gudoomin doono mid kamid ah Isimadda ugu waa weyn ee Puntland.

In la aqbalo codsiga Beesha Tanade Daarood waxaa ku horgudban in si guud loo eego tabashada beelaha oo dhan, sidda ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo Isimadda mandiqada.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa in uu yimaado is khilaaf la xariira doodaha ku aadan sidda loo kordhinayo golahan, waxaaana Isimadda qaarkood ay qabaan in si wadar ah loo furo, laakiin aan marnaba lasoo qaadin qadiyadda la xariirta beel gaar ah.
Madaxda dawladda Puntland ayaa doonaysa in si gaar ah xubnahan loogu furo Beesha Tanade Daarood, sidda uu shalayba Madasha ka sheegay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sheegay in gogoshan aan looga hadli-leyn wax khuseeya beelaha kale.

BAARGAAl.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Developed by Jago Desain