Miyga Carta ee Gobolka Bari oo lagu caleema saaray Nabadoon Xasan Cabdi Faarax keyse [Sawiro]

Miyga Carta ee Gobolka Bari oo lagu caleema saaray Nabadoon Xasan Cabdi Faarax keyse [Sawiro]

Miyga Magaalada  Carta ee gobalka Bari ayaa lagu caleema saaray Nabadoon Xasan Cabdi Faarax keyse oo Nabadoon u noqon doona Beesha Reer Carab ee Maxamed Siwaakhroon kuwaas oo dagan Deegaanada Puntland.

Xalafada caleema sarka oo ka dhacday Geed hoostii iyado lagu salaynayo Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxa ka soo qab galay Nabadoono samadoono, masuuliiyin ka socada Dawlada ,  iyo marti shara kale oo badan oo lagu casumay munaasabada.

Nabadon Cabdiqadir Axmed Ibraahim Xarago, Nabadoon Mustafe Maxamed Nuur Baana, iyo Nabadoon ibraahim maxamed ciise oo ka hadlay Caleemasarka ayaa waxa ay sheegeen in ay Nabadoonka Cusub ay ku soo dhaweeynaayaan Saaxada Nabadoonada islamarkaana ay garab taagan yihiin.



Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Iyo suldaan Maxamed Muuse Siciid ayaa khudbado isugu jira Dardaaran iy Duco u soo jeediyey Nabadoonka lacaleemo saaray.

Masuuliyiin ka socday Puntland oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweyey Nabadoon Xasan Cabdi Faarax Kayse waxayna balan qadeen in ay la shaqan Doonaan.


Nabadoon Xasan Cabdi Faarax Keyse oo ugu danbayntii ka hadlay munaasimda caleemasaarka ayaa umada ka codsaday in ay la shaqeeyan isla markaana waxa uu balan qaaday in uu markasata uu cadaalada u hiilin doono.


Inta badan Masuuliyinta ka soo Qeb Gashay Caleema saarka oo goobta ka hadalay ayaa balan qaaday in ay soo dhaweeynayaan Nabadon keyse islamarkaana ay alle uga baryayaan in uu xilka u fududeeyo.













Developed by Jago Desain