Posts

SAWIRRO: Munaasabad lagu taageerayo Madaxweynaha Turkey oo ka socota Muqdisho

SAWIRRO: Munaasabad lagu taageerayo Madaxweynaha Turkey oo ka socota Muqdisho

Xarunta Safaarada Turkiga ee Magaalada muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay kulan hordhac u ah Munaasabad lagu xusayo Maalintii uu fashilmay afgebigii dhicisoobay ee dhacay dalka Turkiga oo ku beegneed 15 Bishii July Sanadii tagtay ee 2016,kii taas oo Beri ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa intiisa badan waxa uu ahaa mid su’aalo weeydiin ah islamarkaana uu ka qeyb galay Safiirka dowladda turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Olgan Baker iyo masuuliyiin kale waxana su’aalaah inta badan Weeydiinayay Bahda Saxaaafada kala duwan.

Safiirka Turkiga ayaa sheegay in Somalia ay Wadankii ugu horeeyay ee Cambaareeyay Agembigii Turkiga islamarkaana Golaha Wasiirada Soomaaliya ay Maalmo kadib dalka ka saareen Koox Turkisha ah oo uu hoggaamiye u ahaa Farxullaah Gulen kuwaas oo looga shakiyay in ay xiriir la lahaayeen hoggaamiyahaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dibadbaxyo lagu taageerayay dowladda Turkiga iyo Madaxweynahooda Rajab Dayib Urdugan taas oo ka dhigan in dadka Soomaaliyeed ay yiin dad aan Walaalo nahay.

Wariyaal ku sugan goobta ayaa weydiiyay Su’aal aheyd halsano kadib afgembigaas masaameynayaa kaalmada aad siisan Soomaaliya wuxuuna ku jawaabay.


“Maya kuma inaanayo wax isbedel ah waayo dadka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qaranka waxaa naga dhaxeeyo xiriir adag ,islamarkaana dhawaan ayaan xariga ka jari doonaa Saldhig meleteeri kaas oo aan ka hirgelinay Magaalada Muqdisho kaas dhismihiisa uu soo gaba gaboobay ayuu yiri Safiirka.

Sidoo kale waxaa la weeydiiyay Sababta ay usoo qaban la’yihiin dadkii ka dambeeyay afgembigii fashilmay ee Sanadii 2016,kii ka dhacay dalkaasi Turkiga waxa uuna yiri.

“Weli waxan raadineynaa cadeymo buuxa cidii aan ku helnana waan soo qaban doonaa,waxan nagala Shaqeyn doona saaxiibada Turkiga oo dhinac walbo leh saas ogaada ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.



Developed by Jago Desain