SHIR LOOGA HADLAYEY DHISMAHA WADADA KALABAYR-CALUULA OO BOOSASO LAGU QABTAY

SHIR LOOGA HADLAYEY DHISMAHA WADADA KALABAYR-CALUULA OO BOOSASO LAGU QABTAY

Munasabadan oo lagu shaacinayey Sidii Looga Qayb Qaadan Lahaa Wado laami ah oo Isku Xiri Doonta Kalabayr Iyo Caluula Taasi Oo Dhawaan La Bilaabi Doono ayaa lagu Qabtay Magaalada Boosaso Ee Xarunta Gobalka Bari.

Waxana ka soo Qabgalay Masuuliyiin ka socda Dawlada, Isimo, Nabadoono iyo Qaybaha Kala Duwan Ee bulshada.

Prof Maxamed Muumin Ayaa ugu horayn ka Warbixiyay Wadadan Hadii La Dhiso Faaidada Ay Leedahay iyo Sidoo kale wadadan Dagmooyinka ay Marto Nimcada ku duugan.

”Jidkaasi waxaa uu isku xiraa dhul Baaxadiisu ay aad u wantahay oo sadex Gobol isugu jira (Gardafuu, Bari iyo Karkaar) dhulkaas oo leh Beero Iyo Xeeb ilahay ku Manaystay Nimcooyin Kala duwan, waxana uu isku xiraa badweynta Hindiya iyo badda cas.

Nimcada alle ku manaystay Dhulkaas waxaa aad u daneeya Aduunka dhaqaale ahaan iyo Nabadgelyo ahaan hase ahaatee aan laga faaidaysan.

Nabadoon Cabdiqadir Xarago Iyo Nabadoon Cabdi Ugaas Ayaa Si Wada Jir ah u Sheegay Inay Wadadaan Hormarka Gobollada Gardafuu, Bari iyo Karkaar Qayb Ka Qaadanayso.

Ganacsade Axmed Jimcaale Fooley Waxa Uu Shegay Inay Ka Ganacsato Ahaan ay ka Qayb Qadanayaan.

Suldaan Ciise Maxamuud Ciise Iyo Suldaan Bashiir Muuse Koonte Waxay Ku Baaqeen In Laga Qayb Qaato Taagerida Wadada Kalabayr – Caluula taas oo muhiimad weyn u leh bulshada Deegaankaas iyo guud ahaan shacabka Reer Puntland.

Beeldaje Ismaaciil Beeldaje Yaasiin (Beeldaaje Calbari) Ayaa Dowladda Puntland, Federal-ka iyo ummadda soomaaliyeed oo idil Ugu Baaqay ka qaybqaadashada Wadadaas.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Bari Axmed Xaaji Maxamuud Ayaa Shegay In Wadadan Lagu Dhisi Doono Isku Tashi Ay Sameyaan Dadka Somaliyeed waxana uu sheegay in ay Garab Taagan yihiin ka dawlad ahaan Dadka isku xilsaaray dhismaha wadadan.

Intii uu kulunku socday Waxaa Laga Soo Saaray Qodobo dhowr ah Oo Kala Ah.
In loo istaago wadada Kalabayr-Caluula.
In la dhiso Gudi ka kooban 11-ka Degmo Ee ay saameynayso wadadaan.
In Degmo walba ay soo diyaariso labo xubnood oo Gudiga ka mid Noqda.
In la sii wado kulammada loogu gogol xaarayo dhismaha wadadan.

Inta Badan Masuuliyiintii ka soo Qaybgalay kulanka waxay isku raaceen in si wada jir ah looga Qayb qaato dhismaha wadadan oo muhim u ah Bulshada Reer Puntland.







Developed by Jago Desain