Posts

Jaaliyadda Puntland ee Malaysia oo hambalyo u dirtay wasiirka cusub ee wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka Puntland,Cabdiftaax Siciid Caynab.


Jaaliyadda Puntland ee Malaysia ayaa hambalyo u dirtay wasiirka cusub ee wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka Puntland,Cabdiftaax Siciid Caynab.

Wasaaradda dastuurka iyo arrimaha Federaalka oo muhiimad baddan ugu fadhida shacabka ayaa jaaliyaddu waxaa ay u rajeynaysa wasiirka inuu rabbi xilka u fududeeyo.

“Jaaliyadda waxaa ay ku faraxsan tahay magacaabista wasiir Caynab,waxaan madaxweynaha ugu mahadcelineynaa inuu xilka u magacaabay qof dhallinyaro aqoonyahan ah oo haddana ah qofka ugu mudnaa.”ayuu yiri Maxamed Aadan Haamey oo horey guddoomiye ugu soo noqday jaaliyadda Puntland ee Malaysia.

Wasiir Caynab, ka hor xilka wuxuu ahaa xog-hayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysia,muddo uu xilka hayay waxaa lugu sheegay inuu ka mid ahaa mas’uuliyiinta safaaradda ee sida ugu wanagsan ugu shaqeysay jaaliyadda.
Developed by Jago Desain