Posts

Kenya: Xiisado ka Dhashey Guushii Uhuru Kenyatta kadib

Kenya: Xiisado ka Dhashey Guushii Uhuru Kenyatta kadib


Kadib markii habeenkii xalay guddiga doorashada Kenya si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Uhuru Kenyatta si rasmi ah ugu guuleystey doorashadii Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa ka dhashey xiisad iyo rabshado sababey dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Rasaas ayaa laga maqlay xaafadda isku raranta ee Kibera ee caasimadda Nairobi oo ay u badan yihiin dadka fakhriga ah ee taageera Mucaaradka, Sidoo kale magaalada uu ka soo jeedo Raila Odinga ee Kisuma looga guuleystey doorashada ayaa rabshado laga soo sheegayaa.

Ciidamada Booliska ayaa isticmaalaya sunta gaaska, waxaana ay isku dayayaan in ay xakeemeeyaan carada dadka qaarkiis ay ka qaadeen guushii Uhuru Kenyatta.

Waxaa si weyn looga cabsi qabaa in taageerayaasha mucaaradku ay dhigaan rabsahdo xooggan oo khasaaro nafeed geysta.

Rabshadihii ka dhacay doorashadii sida xoogan loogu murmay sanadkii 2007 ayaa galaaftey nafta dad ka badan 1200 oo qof waxaana ku barakacay dad ka badan Nus malyuun qof, kadib markii Mwai Kibaki ku shubtey doorashadii 2007.

Madaxweynaha la doortey ee Uhuru Kenyataa ayaa habeenkii xalay ugu baaqey shacabkiisa in ay isdejiyaan, wuxuu ballan qaadey in uu la fariisan doono ninka la tartamey ee Raila Odonga gacantiisuna gaari doonto dhamaan dadkii doortey, waxaana uu ugu baaqey shacabka in doorashadii dhamaatey qofkastaana dib ugu laabto shaqadiisi caadiga ahayd.

Korjoogayaasha calamiga ah ayaa amaaney habka ay ku dhacdey doorashadu waxaana ay ku tilmaameen mid xor iyo xalaal.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain