Posts

Nin Soomaali Ah Oo Xaaskiisi Ku Dilay Magaalada Bristol Ee Dalka Ingiriiska


Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka dhacday dhacdo naxdin ah, kaddib markii nin Soomaali ah uu dil u geystay xaaskiisa.


Aasiya Cumar oo aheyd hooyo 27 jir ah ayaa waxaa Isniintii la soo dhaafay tooreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aadan Daahir.

Ayaan C/llaahi Macalin oo ku sugan magaalada Bristol, qaraabo dhowna la ah marxuumad Aasiya Cumar iyo seygeeda Aadan Dahir ayaa Idaacada VOA u sheegtay in Aasiya mindida laga geliyay labo meel.

Mar la weydiiyay sababta uu Aadan Dahir u dilay xaaskiisa, ayay sheegtay in wax yar oo khilaaf ah uu ka dhaxeeyay, markii walaashiis iyo xaaskiisa ay isku dhaceen, wax yar kaddib markii xaaskiisa iyo isaga oo dib guriga ugu laabtay uu falkan dhacay.

Waxaa ay sheegtay in horay khilaafaad yar uu dhex maray, maadaama nin iyo xaaskiisa ay mar walba wax ka dhex dhici karaan, balse aanay horay wax gacan ka hadal u dhex marin.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Aadan uu labadii sano ee u dambeysay uu la soo gudboonaaday dhibaatooyin shaqsi ah, sida in lagala noqday leesankiisa darawalnimada, saddex sano laga mamnuucay darawalnimada.

Aasiya Cumar ayaa la sheegay inay ifka kaga tagtay wiil iyo gabar, Booliska magaalada Brsitol ayaa xabsiga dhigay seygeeda dilka u geystay Aadan Dahir.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari 
Developed by Jago Desain