Sawiro + faahfaahin : maxay ka samaysay deegaanka Afkalahaya ee Gobolaka Gardafuu diyaaradii ...

Sawiro + faahfaahin : maxay ka samaysay deegaanka Afkalahaya ee Gobolaka Gardafuu diyaaradii ...

Baargaal.Net ( Caluula ) 

Degaanka Afkalahaya ee duleedka magaala madaxda gobolka gardafuu ee caluula  ayaa maalmahan waxaa ka soo baxayay warar iskhilaafsan , wararkii hore ayaa sheegaaya in diyaarad ah nooca quumaatiga u kaca ay duqayn u gaysatay deegaankaas , iyadoo illaa waqti dhow aysan jirin cid cadayn dhab ah soo gudbisay oo xaqiijisay warkaas aan ka ahayn waraysi ay idaacadi la yeelatay qof kamid ah dadka deegaanka.

dhinaca kale waxaa la soo xiriiray shabakada Baargaal.net isha wararka horumarka deegaanada calbari waxgarad iyo masuuliyiin ka agdhawaa deegaanka la sheegay inuu weerarku ka dhacay ayagoo sheegay inaysan u soo joogin oo maqal wax duqayn ah uuna deegaankana ka jirin wax sababi kara arinkaas

warbaahinta soomaalida oo xiganaysa waraysiga idaacada ayaa si ballaran u faafisay warkaas iyadoo intaasi kadib uu gudoomiyaha gobolka gardafuu uu ku qabtay xarunta dawlada hoose ee Degmada Baargaal shir jaraaid uu ku beeninayo warkaasi oo uu ku tilmaamay war been ah oo aan sal iyo raad midna lahayn

Marka sidee wax u dhaceen : 

sida ay noo sheegeen dad ka agdhawaa deegaanka Afkalahaya  ee duleedka degmada caluula , diyaaradu meesha ay  wax ku riday ayaa ahaa bacaad xeebta ka agdhow ayadoo diyaaradu rasaas qori  ku ridaysay bacaadka muddo wakhti ah , lamana garan ujeedada ay kalhayd .

dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarkaas uusan gaysan wax khasaaro ah marka laga reebo cabsi ay muujiyeen dadka deegaanka kuwaasoo soo helay haraadiga rasaastii ay riday Diyaaradaas oo ku socotay joog hoose.

dadka deegaanka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay waday ugaarsi halka qaar kale ay sheegayaan in waqtiga rasaasta la ridayay uu xeebta uu xeebta ka muuqday wax loo maleeyay Naberi islamarkaana ay u malaynayaan in xabadahaas lagu riday xayawaankaas ku jiray badda.




dhinaca kale odayaasha deegaanka ayaa ka codsaday dawlada puntland inay ka warhayso diyaardahaas iyo maraakiibtaas xaalufinaya badda iyo birriga oo la socdaan , oo falkaas kala hadlaan dawladaha ciidamadooda ka hawlgalaan xeebaha soomaaliya siday mar danbe u soo noqon ,

xoolo iyo dad baa ku dhaqan degaanka , falkaas argagax buu ku riday dadkii iyo duunyadii waa in arinkaas aanu mar danbe soo noqon oo magdhow nala ka siiyaa 


halkan ka daawo cabashada odayasha iyo baaqoda


xabadahaas ay diyaaraadaasi ku tuurtay bacaadkaas ayaa laga dhigay in meeshaasi uu ka dhacay weerar culus ama duqayn , waxaana batay warar been ah oo bulshadu ay isla dhexmaraysay , si arinkaas loosoo afjaro oo  loo cadeeyo arinka dhabta ah ee ka dhacay halkaasi waxaa cadayn idinku filin sawiradn laga soo qaaday meeshii la sheegay inuu weerarku ka dhacay ee deegaanka  Afkalahaya ee duleedka magaala madaxda gobolka gardafuu ee caluula. 



waxaana u mahad celinaynaa dhalinyarada deegaanka ee na soo gaarsiiyay sawiradan si xaqiiqada dunida loola wadaago 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari 



















Developed by Jago Desain