Posts

(SAWIRRO) Wasiirka cusub ee arimaha Dastuurka & federaalka Puntland Cabdifitaax Saciid Caynab oo Garowe lagusoo dhoweeyay

(SAWIRRO) Wasiirka cusub ee arimaha Dastuurka & federaalka Puntland Cabdifitaax Saciid Caynab oo Garowe lagusoo dhoweeyay

Wasiirka cusub ee arrimaha dastuurka, iyo federaalka dowladda Puntland, Cabdifitaax Saciid Caynab ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho.

Wasiir Caynab ayaa garoonka diyaaradaha ee Kanoko waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin dowladda katirsan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro iyo aqoonyahano.

Soo dhowaynta kadib, shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha garoonka ayuu ka mahad celiyay sida balaaran ee loogusoo dhoweeyay Garowe, wuxuuna sheegay inuu aqbalay xilkii loo magacaabay islaarkaana uu la wareegidoono masuuliyaddiisa marka uu barlamaanku ansixiyo.

Qaar kamid ah dadkii soo dhoweeyay wasiirka dastuurka ayaa  sheegay inay fursad u tahay dhalinyarada Puntland oo helay wasiir dhalinyaro ah oo u matala xukuumada.

Waxay kula dardaarmeen inuu noqdo mid wajibaadka qaran ee loo xilsaaray si daacadnimo ah ugasoo baxa islamarkaana uusan xilku badelin.

DAAWO SAWIRADDA.
Developed by Jago Desain