Posts

War Degdeg ah:- Ninkii ka dambeeyay dilka guddoomiye ku xigeenkii gobolka Bari oo gacanta lagusoo dhigay waa maxay..


Odayaasha beesha uu ka dhashay Gacan ku dhiiglihii dilay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khadar Ismaaciil Kabacadde oo kaashanaaya maamulka Gobolka Bari ayaa Gacanta kusoo dhigay Gacan ku dhiigliha.

Gacan ku dhiiglaha ayaa ku xiran saldhiga Bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Khadar Ismaaciil ayaa la dilay isniintii. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ninkan loo diley, laamaha amniguna waraysi weli lamayeelan eedaysanaha dilka loo soo qabtey, waxaana loo badinayaa in ay tahay aano qabiil.

Beesha uu ka dhashey ninka dilka geystey iyo Beesha uu ka soo jeedo marxuumku la diley ayaa ka heshiiyey shaqaaqooyin dad ku dhinteen oo ku dhexmaray gobolka Bari.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka iyo nabada calbari
Developed by Jago Desain