Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland oo ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada dhexe


Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada imtixaankii shahadiga ahaa ee dugsiyada dhexe ee Puntland, gaar ahaan fasalada 8-aad.

Wasaaradda waxbarashadu waxay sheegtay inay sanadkaan 88%  ardaydku ku baaseen intixaanka, waxay kaloo sheegtay inay ku dhaceen952. Ardaydaas527waa wiilal, halka 425 ay gabdho yihiin.

Wasiirka waxbarashada Dr. Abshir Yuusuf Ciise, ayaa ku dhawaaqay tobankii arday ee ugu sareeyay imtixaanka shahaadiga ah.Saddexda arday ee ugu sareysay waxay kala yihiin.

1: Cadnaan Cabdi Yaasiin Xirsi. Imaamu Shaafici, Bosaso, helay89.43%

2: Maxamed Cabdi Barre Waaberi Daarul Birri, Bosaso     helay89.14%

3: Najmo Cabdirisaaq Sahal Maxamuud.  Nawaawi, Garowe,heshay 89%  .
Developed by Jago Desain