BAARGAALTECH : Taleefanka LG K7i oo leh tiknoolajiyada kaneecada fogaysa oo si rasmi ah loo shaaciyay

BAARGAALTECH : Taleefanka LG K7i oo leh tiknoolajiyada kaneecada fogaysa oo si rasmi ah loo shaaciyay

dalka Hindiya, shirkadda LG waxay si rasmi ah u shaacisay taleefanka LG K7i, oo ah taleefan leh adeeg gaar ah oo ah tiknooloojiyada "Mosquito Away" oo sida magaceeda laga dheehan karo ah tiknoolajiyad kaa ilaalinaysa ama kaa fogaynaysa kaneecada.

tiknooloojiyadan ayaa Isticmaasha hirarka qaylada Tiknoolajiyada cusub ayaa waxay isticmaashaa harka qaylada ultrasonic oo uusan maqlikarin bini-aadanku laakiin ay maqasho kaneecadu taas oo kaa ilaalinaysa qaniinyada kaneecada inta uu telefoonku kugu dhow yahay ama dhinacaaga agyaal .

tiknooloojiyada "Mosquito Away" ee kaa fogaynaysa kanecada ayaa ku rakiban jeldiga dambe ee telefoonka sida aad ka arki kartaan sawirka rasmiga ah ee kor ku xusan.

Haddii aadan rabin, waxaad bedeli kartaa daboolka adiga oo ku bedalan kara mid caadi ah.

shirkada LG ayaa sheegtay in taleefanka LG K7i uu yahay taleefankii casriga ahaa ee ugu horeeyay ee lagu rakibo tiknooloojiyada "Mosquito Away" ee kaa fogaynaysa kanecada

hadii aanu ka nimaano tiknooloojiyada "Mosquito Away" ee kaa fogaynaysa kanecada taleefankan ayaa leh shaanshad 5 inch ah oo heer faseexeedu dhan yahay 854 × 480 pixels , Sidoo kale telefankan waxa uu leeyahay RAM 2 GB iyo memory 16 GB ah , waxa uu leeyahay Kamera hore oo 5 Mega-pixel ah iyo Kamera danbe oo 8 Mega-pixel ah iyo sidoo kale batari leh awoodda ah 2500mAh .

Waxaa intaa dheer, taleefankan ayaa ku imaandoona asagoo uu ku shubanyahay nidaamka Android 6.0 Marshmallow halkii android Nougat taas oo macneheedu yahay in taleefankani uusan heli doonin casriyeyn mustaqbalka.

ugu danbeen , telefoonkan ayaa hadda waxaa lagu iibsan karaa dalka Hindiya qiimo dhan 7990 rupees lacagta India ah taas oo u dhiganta US$ 121.

BAARGAALTECH Wararka iyo warbixinada technology da ku saabsan 
Developed by Jago Desain