Faah-faahin:-Nabadoon Lagu Weeraray Maaaladda Boosaaso

Faah-faahin:-Nabadoon Lagu Weeraray Maaaladda Boosaaso

Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah guddoomiyaha nabadoonada gobolka bari ee dawlad goboleedk Puntland ayaa kooxo hubaysan waxay ku weerareen dhinaca bari ee magaaladda Bosaaso.

Nabadoonka xiliga la weerarayay waxa uu sarnaa gaari kuwa Raaxadda ah uu lahaa.

Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago ayaa sheegay in Maleeshiyaadka soo weeraray ay ahaayeen Ilaalada wasiirka dekedaha iyo Gadiidka Badda Siciid Maxamed Raage,

Wuxuu sheegay inay ugu hanjabeen inay dilayaan, ka dibna waxay ka xaysteen baabuurkaygii ayuu yiri. waxaa kaloo uu sheegay inuusan garanayn sababta ay u soo weerareen.

Nabadoon C/qaadir wuxuu ka mid ahaa 35 Nabadoon oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda bosaso ee gobolka bari oo ay kaga soo horjeedaa in dekeda Bosaaso lagu wareejiyo shirkadda Imaraadka ee P & O port ee DP World, waxayna ugu baaqeen dowladda federaalka inay soo faragaliso arrintan.
Developed by Jago Desain