Munaasibad lagu shaacinayey furitaanka sanad dugsiyeedka cusub ee 2017/2018 oo maanta la qabtay Magaalada Baargaal

munaasibad lagu shaacinayey furitaanka sanad dugsiyeedka cusub ee 2017/2018
waxaa mantay  dagmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu lagu qabtay munaasibad lagu shaacinayey furitaanka sanad dugsiyeedka cusub ee 2017/2018.

Munaasibadan oo looga hadlayay sanad dugsiyeedka cusub ee dagmada ayaa waxa ka soo qayb galay marti sharaf,gudiga maamulka, macalimiinta, waalidiinta iyo ardayda wax ka barata iskuulada dagmada.

ugu horaantii waxa munaasibadan ka hadlay maamulaha guud ee iskuulka sare ee Degmada Baargaal   maxamud muumin aw aadan oo ka war bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iskuulka, waxaa uu dardaaran kala duwan u jeediyey ardayda sanadkan dhigan doonta iskuulka, isaga oo kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal iyo karti dheerad ah lana garab istaagan maamulka iyo macalimiinta si guul loo gaaro.
intaasi kadib waxaa madasha ka hadlay maamulaha Dugsiga hoose dhexe ee   Bilaal macalin shaafici yuusuf cismaan oo ka mid ahaa dadka sida weyn uga howlanaa kor u qaadida tayada iskuulka, waxa uuna walidiinta kala hadlay in kalsoonida la siiyo maamulka iskuulka iyo macalimiinta si ay juhdi badan u galiyaan in ay soo saaran arday tayo iyo asluubtodu ay aad u sareyso asagoo sheegay inay sanadka keeneen macalimiin cusub rajaynayaan in wax badani iska badalaan iskuulada degmada .

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Gudoomiyaha  Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuoo  ku dheeraaday faa,iidada ay waxbarashadu u leedahay bulshada iyo horumarka lagu gaari karo.

waxaa sidoo kale khudbadabo looga hadlayo tayaynta waxbarashada iyo dhiirigalinta ardayda ka jeediyay madasha gudoomiyaha  waxbarashada dagmada mudane c/raxmaan siciid cismaan (daacad) iyo gudoomiyaha waalidiinta sheekh bootaan muuse iyo nabadoon siciid cali saalax iyo caaqil faatax  cali c/raxmaan oo kamid ah waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka  iyo macalimiin, waalidiin,  iyo marti sharaf kale oo badan, kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey furitaanka  sanad dugsiyeedka cusub ee iskuulada degmada Baargaal iyo dadaalka ay maamulku ula gaarab taagan yahay ardayda.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari 
Nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com








Developed by Jago Desain