Posts

SAWIRO CIIDMADA KANTAROOLKA BOOSASO OO QABTAY FUUSTOOYIN LACAGO BEEN ABUUR AH AY KU JIREEN

Ciidamada Booliska Ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen fuustooyin ay ka buuxeen lacago been abuur ah oo maalmahan dhibaato ku haya suqyada degaannada Puntland. Taliyaha kantaroolka Boosaso Maxamuud Qalaf ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Gaadiid waday fuustooyinka Afka laga alxamay oo ay ku jirto Lacagta been abuur ah ee ku socotay suuqyada Boosaaso. Lacagta ben abuurka ah oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada kantaroolka Boosaso ayaa lagu wareejiyey Wasarad Maaliyada Puntland. Boolisku waxaa ay sheegeen in lacagtan ay tahay shilin Soomaali been abuur ah,waxaana ay sheegeen in lagu qariyay Fuustooyin iyo jawaanno lagana keenaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaliya. Qabashada lacagatan aya ku soo beegmaysa xili dhawaan Wasarada Maaliyada Puntland ay Amaro ka soo sartay lacagaha laga keenayo gobalada kale Ee soomaliya .
Ciidamada Booliska Ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen fuustooyin ay ka buuxeen lacago been abuur ah oo maalmahan dhibaato ku haya suqyada degaannada Puntland.
Taliyaha kantaroolka Boosaso Maxamuud Qalaf ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen Gaadiid waday fuustooyinka Afka laga alxamay oo ay ku jirto Lacagta been abuur ah ee ku socotay suuqyada Boosaaso.
Lacagta ben abuurka ah oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada kantaroolka Boosaso ayaa lagu wareejiyey Wasarad Maaliyada Puntland.
Boolisku waxaa ay sheegeen in lacagtan ay tahay shilin Soomaali been abuur ah,waxaana ay sheegeen in lagu qariyay Fuustooyin iyo jawaanno lagana keenaya Koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.
Qabashada lacagatan aya ku soo beegmaysa xili dhawaan Wasarada Maaliyada Puntland ay Amaro ka soo sartay lacagaha laga keenayo gobalada kale Ee soomaliya .


Developed by Jago Desain