Sawiro:shir looga hadlayay Dardargalinta cashuuraha , dhiraynta iyo Bilicda Magaalada oo lagu qabtay xarunta D/Hoose ee degmada Baargaal

Sawiro:shir looga hadlayay Dardargalinta cashuuraha , dhiraynta iyo Bilicda Magaalada oo lagu qabtay xarunta D/Hoose ee degmada Baargaal

Maanta oo bishu ahayd 05\09\2017 ayaa waxaa Hoolka Dawlada hoose ee Golaha Degaanka Degmada Baargaal ku qabsoomay shir looga hadlaayay Dardargalinta hawlaha shaqo ee D/Hoose sida Dardargalinta cashuuraha , nadaafada iyo dhiraynta iyo dib u soo celinta Bilicda Magaalada.

shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay , Gudoomiyaha Golaha deegaanka degmada baargaal ahna duqa magaalada abuukar axmed yuusuf , iyo isuduwaha wasaarada arimaha gudaha ee gobolka gardafuu mudane c/qaadir Caato, xoghayaha degmada siciid cawil dhuxul , taliyaha saldhiga policeka degmada Baargaal taliye Muumin Abshir , gudoomiyaha ururka dhilinyada degmada shire maxamed maxamuud , gudoomiyaha ururka haweenka iyo sarkaal cabdi jaamac

shirka maanta qabsoomay ayaa lagu gorfaynayay ajanadayaal muhiim u ah habsami u socodka shaqada Maamulka degmada , iyo wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka .

shirkan oo qayb ka ah shirar badan oo maamulku la yeelanaayo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa shabakada BAARGAAL.NET uga waramay isuduwaha wasaarada arimaha gudaha ee gobolka gardafuu mudane c/qaadir Caato waxana uu yiri

” Waa Alle mahadii shirkan iyo shirarkii ka horeeyay waxay noogu dhamaadeen guul iyo isfahan waxa aan u mahadnaqayaa ururka dhalinyarada degmada baargaal oo haya shaqo muhiim ah iyo Madaxda Waaxaha Kala duwan ee D/Hoose degmada baargaal,

shirkan maanta waxa looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa dardargalinta hawlaha shaqo ee degmada sida dardargalinta shaqada laamaha cashuuraha iyo sidoo kale dib u soo celinta bilicdii magaalada ayadoo looga hadlay shirka maanta dhiraynta magaalada oo uu maamulku la kaashanayo ururada ka jira degmada oo uu horeeyo ururka dhalinyarada degmada baargaal

dhinaca kale isuduwaha wasaarada arimaha gudaha ee gobolka gardafuu mudane c/qaadir Caato ayaa sheegay inay tababar u fureen ciidamada police ka degmada Baargaal 







Developed by Jago Desain