AKHRISO + DHAGEYSO:- Maanso Qiiro badan “Xamar Dhaxal Uma Helin In Shacab Lagu Xasuuqo”

AKHRISO + DHAGEYSO:- Maanso Qiiro badan “Xamar Dhaxal Uma Helin In Shacab Lagu Xasuuqo”

Abwaan xasan dhuxul laab saalax oo ka mid ah abwaaniinta somaliyed gaar ahaan kuwa ku nool gobolada wuqooyi ee somalia ayaa markii ugu horaysay gabay qiiro badan ka tiriyay musiibadii dhawaan ka dhacday magaalada muqdisho oo lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

Xamar Dhaxal Umay Helin
Dhiig Korkeeda Lagu qubo
Iskadaa Qof Dhaayaha
Ilmadiisu dhibiq tiri
Ay Dharkiisa Qoyseee
Hadii Dhirtu Ooyi layd
Ama Dhagaxuba hadlaayo
Dhawaaqiyo Qayladooda
Dadkaa Dhaga Beeli laa
Yaa Damiirka Dhaawacay
iilka Dhigay dadnimadii
dhoofiyay wanaagii
Imaanka Kala Dhiman
Dhagar Qabaha yaa yidhi
Dhalashaad Wadaagtaan?
Yaa Masuul ka dhigay
Ninka shilinka Dhaafsaday
Maati dhimasho lagu habay
Ninka Dhiig Islaameed
Ba,anaa Ku Dhiiraday
Dhagar Qabuhu yaab lehe
Dadku Maanay Dhaadayn
Dadku Maanay Dhuganayn
Dadku Maanay Dhiiliyo
Dab dhexdooda laga Shido
Ka ilbaxayn Dhibaatada?
Dadwaynaha Ninkii Dhibay
Dhiigooda kii Shubay
hadaan Ruux Ku Dhici karin
Inuu Gacan Ku Soo Dhigo
Eebe muu ka dhuumani
Markaan Dhaco Walaalkay
Een Dhibo masaakiin
Dhagartooda Doorbido
Ifka Saw kumaan Dhiman


HOOS KA DHAGAYSO MAANSADA

Developed by Jago Desain