COD+ SAWIRO :-Golaha Deegaanka Degmada Caluula oo Doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen Cusub

COD+ SAWIRO :-Golaha Deegaanka Degmada Caluula oo Doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen Cusub

Golaha degaanka Degmada Caluula ee Xarunta Gobolka Gardafuu ee Dowlad Goboleedka Puntland oo maalmihi la soo dhaafay la dhaarshay ayaa maanta doortay Gudoomiyaha degmada iyo Ku xigeenkiisa 

Doorashada oo lagu qabtay Xarunta Dugsiga Hoose Dhexe ee Caluula ayaa waxaana Xilka Gudoomiyaha degmada Caluule u tartamayay 2 murashax oo kala ah Dr. C/laahi Ciise Saalax iyo Axmed  xaaji ashkar (Shiino) oo ka tanaasulay musharaxnimadiisa asagoo sheegay in murashaxa la tartamaaya uu u qiraayo inuu aad uga aqoon badanyahay uuna dalka wax badan u qaban karayo kana saari karo dhibta  waxaana codayn gacan taag ah ay 27 xildhibaan oo soo xaadiray madashay ay u codeeyeen musharax Dr. 
C/laahi Ciise Saalax  oo noqday gudomiyaha golaha deegaanka degmada Caluula ahna duqa degmada caluula

Halkan Ka dhagayso Hadalka Musharax Axmed xaaji



Intaas kabib ayaa waxaa loo gudbay doorashada Gudoomiye ku xigeenka oo uu isu soo sharaxay Ciise maxamed cali (Ciise dheere) oo kaliya waxaa u codeeyay 24 xildhibaan 
sidaasi wuxuu ku noqday gudoomiye ku xigeenka cusub ee degmada Caluula

intaasi kadib waxaa madasha khudbado ka jeediyay masuuliyiintii iyo cuqaashii ka soo qaybgashay doorashada ayagoo u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa ,ilaahna uga baryay inuu ku guuleeyo hawsha culus ee loo igmaday waxayna dhamaantood ballan qaadeen inay la shaqaynaayaan maamulka cusub

Gudoomiyha Cusub iyo ku xigeenkiisa  oo dhankooda ka hadlay madasha ayaa labaduba sheegay  inay dareemaayaan culayska musuuliyadeed ay qaadeen ayagoo u mahad celiyay golaha deegaanka
,balan qaadayna inay muhiimada koowaad siin doonaan soo celinta haykalka dawladnimo ee degmada wada shaqayn fiicana la yeelan doonaan golaha deegaanka , odayaasha , iyo waxgaradka degmada lana imaan doonaan waxa qabad dhameestiran oo ku aadan Balan qaadkii ay saameeyeen inta ay  Musharaxiinta ahaayeen 

sidoo kale ayaa waxaa madasha  lagu soo bandhigay suugaan isugu jirta gabayo iyo baraanburo lagu dhiiri galinaayo looguna hambalyaynaayo maamulka cusub 

Halkan Ka dhagayso qayb kamid ah 


waxaana doorashada goob joog ka ahaa oo fulinaayay hawlaha farsamada Doorashada oo matalaaya wasaarada arimaha Gudaha Puntland agaasimaha waaxda deeqaha ee wasaarada arimaha gudaha mudane Cawil Axmed Xirsi iyo Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada arimaha gudaha mudane yuusuf axmed aw cismaan waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Caluula oo ay horkacaayeen Beeldaajaha Calbari beeldaaje ismaaciil beeldaaje yaasiin , Nabadoon Guud Xayle aadan siciid yuuusf ,Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu mudane Maxamuud axmed Caynab Gubsul iyo Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada arimaha Gudaha Puntland waxaana kamid ahaa masuuliyiintii goob joog ka ahaa Doorashada Maanta gudoomiye ku xigaynka 1aad ee gobolka Axmed Cali Jaamac iyo gudoomiye ku xigeenka 2 aad mudane C/raxmaan cali jaamac huruuse ,Gudoomiyaha degmada Bareeda Abshir MAxamed Axmed ,isuduwaha wasaarada arimaha gudaha iyo dawladaha Hoose mudane C/qaadir maxamed jaamac (C/qaadir caato ),, isuduwaha wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda mudane mahad cali carcar , isuduwaha wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka mudane maxamed siciid mire waxgarad, warbahinta maqalka iyo muuqaalka iyo marti sharaf lagu casumay Doorashada .

SAHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada CAlbari
Caluula - Gobolka Gardafuu
Email:Baargaal@gmail.com








Developed by Jago Desain