Daawo : Caaqil Jaamac Cilmi Oogle iyo Caaqil Maxamed Yuusuf Cali oo lagu caleema saaray gobolka Sanaag

Daawo : Caaqil Jaamac Cilmi Oogle iyo Caaqil Maxamed Yuusuf Cali oo lagu caleema saaray gobolka Sanaag

Munaasibad balaaran oo lagu caleemasaarayay laba caaqil oo kamid ah madax dhaqameedka cusub ee Gobolka sanaag ay soo doorteen dadka deegaanka waqooyiga bari ee gobolka sanaag ayaa lagu qabtay deegaanka widhwidh oo dhinaca waqooyi ka xiga magaalada ceerigaabo

labadan caaqil oo kala ah Caaqil Jaamac Cilmi Oogle iyo Caaqil Maxamed Yuusuf Cali ayaa munaasibada caleemasaarkoodu waxay ka dhacday dooxada Dalsan ee deegaanka widhwidh waxaana munaasibada caleemasaarkooda ka soo qayb galay madax dhaqameed isugu jira boqoro , cuqaal waayeel waxgarad iyo waliba aqoonyahano 

cuqaashii iyo waxgaradkii ka hadlay munaasibada caleema saarka labada caaqil ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan aynka faraxsanyihiin ayagoo cadeeyay in cuqaashan ay beel gaar ah cuqaal u ahayn kaliya balse ay cuqaal u yihiin beelaha gobolka sanaag  ayagoo ilaahay uga baryay inuu u fududeeyo xilka ay qabteen oo ah xil culus

ugu danbayntii munaasibada waxaa madasha hadalo mahad celin ah ka soo jeediyay ah Caaqil Jaamac Cilmi Oogle iyo Caaqil Maxamed Yuusuf Cali oo sheegay inay sidii lagula dardaarmay inay ka shaqayn doonaan 

Halkan Ka daawo Caleemasaarka 



Developed by Jago Desain