Dawlada Fadaraalka Soomaliya Oo Ku Guulaysatay Dhex-dhexaadnimadii Xiisada Khaliijka Iyo Dalka Qadar

Dawlada Fadaraalka Soomaliya Oo Ku Guulaysatay Dhex-dhexaadnimadii Xiisada Khaliijka Iyo Dalka Qadar

dawladaha Sacudiga iyo imaaraadka waa xulufo hadana kala socday mudadii ugu danbeysay, waxayna isku khilaafeen xiisada ka jirta dalka Yaman, kadib markii uu imaaraatka si cad u taageeray kooxo gooni u goosad ah oo doonaya inay kala gooyaan dalka Yaman ku waas oo xarun toodu tahay magaalada Cadan.

Wuxuu sidoo kale imaaraatku ka sameeyay Cadan ciidamo toos u hoos yimaada oo qal qal geliyay dawlada uu sida wayn utaageero Sacuudiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne HAADI.

hadaba waxay keentay arintaas in Sacuudigu uu aamini waayo hab dhaqanka wiilasha reer ZAAYID ee xukunka dalka Imaaraatka ku tagri falaya.

Khilaafka Sacuudiga iyo Imaaraatka wuxuu soo gaaray Soomaaliya, dhawaan ayay ahayd in Sacuudiga uu casuumaad gaar ah u fidiyay Madaxweyne FARMAAJO iyagoo waliba ku ixtiraamaya dhex dhexaadnimada dawlada Soomaaliya ee xiisada khaliijka, xili Imaaraatka ay dalkeeda ku shirinaysay siyaasiyiin Soomaali ah iyadoo siisay lacago yar si ay culays siyaasadeed usaaraan dawlada Soomaaliya si ay ubadasho mawqifkeeda dhex dhexaadnimada ah.

Imaaraatka waxaa ka muuqda in ay ka caroodeen hab dhaqanka iyo sida Sacuudiga u ixtiraamayo dawlada Soomaaliya, kadib markii la siiyay Xukuumadda Soomaaliya taageero dhaqaale iyo heshiisyo lagu hergelinayo mashaariic uu Sacuudiga ka hirgelinayo dalka.

RW Xasan Cali Kheyre ayaa umahad celiyay Sacuudiga, taageerada ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen ee ahayd dhaqaale gaaraya 50 milayan doolar.

Siyaasada dalka ay ku hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ayaa umuuqata mid horumarleh oo soo cilinaysa sharafta iyo karaamada dawladnimo. Waxay sidoo kale muujisay Soomaaliya inay wali tahay dal go’aamadiisa umadaxbanaan.

Markii ay maqleen siyaasiyiintii Imaaraatka ku shirsanaa in dhaqaale ay heshay dawlada Soomaaliya waliba iyadoo dhex dhexaad ka ah arinta Khaliijka waxay garawsadeen in ay ukala dhuuntaan dawlada Soomaaliya si hogaamiye kasta oo maamul goboleed uu isu bad baadiyo, iyagoo Xukuumadda usoo dirsaday wafdiyo si ay uga laabtaan go’aankii imaaraatka ay ku taageereen.

Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweyne kuxigeenka Puntand CAMEY iyadoo Xildhibaano Federaalka ah oo kasoo jeeda KGS oo ergo u ah Shariif Xasan ay kulamola leeyihiin RW Khayre iyagoo wada aragtida Shariif Xasan in ay is badashay oo uu wax walba uga danbeynaayo dawlada Soomaaliya.

Hadaba khilaafkii khaliijka ee dawladeena saamaynta ku yeeshay ayaa u muuqda inay ku adkaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre balse Imaaraatka oo iyo dalaaliintiisa soomaaliyewd ayaan la ogeyn talaabada xigta ay qaadi doonaan. 
Developed by Jago Desain