madaxwaynaha Suudaan :waxaa sharaf inoo ah inaanu ka jawaabno codsiga Soomaaliya si aan u daabacno lacagtooda qaran

madaxwaynaha Suudaan :waxaa sharaf inoo ah inaanu ka jawaabno codsiga Soomaaliya si aan u daabacno lacagtooda qaran

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Khartuum ee caasimadda Suudaan, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo xubno ka tirsan golayaashiisa Dowladda iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Madaxweynaha dalka Sudan cumar xasan al-Bashiir, Ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaatao dib u dhiska ciidanka, booliska, sirdoonka,iyo hay`adaha kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Sudan cumar xasan al-Bashiir ayaa hadalkaasi yiri intii ay socdeen furitaankii kulamadii wada-xaajoodyada wadajirka ah isaga iyo dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faramajo ee magaalada Khartoum.

madaxwayne Bashiir wuxuu sheegay in dalkiisa ay sharaf u tahay inuu ka jawaabo codsiga Soomaaliya si uu u daabaco lacagta qaranka,uguna daabaco daabacaaddaha lacagta ee Suudaan."

Waxa uu tilmaamay in" shirkada daabacada lacagta ee Suudaan ay haysato qalabkii iyo mashiinadii ugu dambeeyay ee loo baahan yahay si loo daabaco lacag waxayna leedahay amaan , caymis, iyo ilaalinta shuruudaha lacagta

dhinaca kale madaxwayne Bashiir ayaa ku baaqay in la asaaso hay'ad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika, si ay isugu xirito dalalka iyo dhaqaalahooda, khayraadka, iyo si ay u gaaraan koboc dhaqaale, ganacsi iyo horumar bulsho

Waddamada Geeska Afrika (Bariga Afrika) waxaa ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Uganda, Itoobiya iyo Eritrea.

Dhiniciisa, Madaxweynaha Soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa sheegay in Suudan ay garab istaagtay Soomaaliya caqabdihii soo wajahay sanadihii la soo dhaafay Wuxuu intaa ku daray in wadanka suudaan ay ku sugan yihiin in ka badan 6,000 oo arday oo wax ka baranaya jaamacadaha kala duwan ee Sudan, laakiin ay u baahan yihiin deeqo dheeraad ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Dalka Suudaan waxaa la filayaain uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi,islamarkaana uu uga warbixiyo horumarka ka jira Dalka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari  
Developed by Jago Desain