SAWIRO: Maamulka cashuuraha berriga gobolka gardafuu oo wacyigalin ka wada degmada Caluula

SAWIRO: Maamulka cashuuraha berriga gobolka gardafuu oo wacyigalin ka wada degmada Caluula

Maamulha cashuuraha berriga gobolka gardafuu mudane Cumar jaamac yuusuf ayaa ku qabtay magaalada xaabo oo ka tirsan degmada caluula ee xarunta gobolka gardafuu kulamo wacyigalin ah oo lagu wacyigalnaayo shaqaalaha wasaarada maaliyada iyo ganacsatada laguna dardargalinaayo cashuuraha berriga iyo gaadiidka 

waxaana maamulaha ku weheliyay kulamadaas isuduwaha wasaarada kaluumaysiga Mahad cali Carcar iyo isuduwaha wasaarada arimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee gobolka gardafuu Mudane C/qaadir maxamed jaamac c/qaadir caato iyo isuduwaha wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka mudane Maxamed Siciid mire iyo gudoomiye ku xigeenka degmada caluula C/risaaq siciid cali iyo masuuliyiin kale.

masuuliyiintan ayaa intaasi ka hor waxay magaalada xaabo ka dhagax dhigeen bar kantrool ah oo cashuuraha berriga iyo gaadiidka ah oo baahi wayn loo qabay si loo derdergaliyo cashuuraha berriga iyo gaadiidka.

masuuliyiintan ayaa sidoo kale waxay kormeer ku sameeyeen xarumo badan oo magaalada ka mid ah iyagoo wacyigalin ballaran u sameeyay bulshada sidii loo derder galin lahaa cashuuraha berriga iyo gaadiidka iyo sidii loo nidaamin lahaa

SHABAKADA BAARGAAL.NET

Isha wararka horumarka deegaanada Calbari








Developed by Jago Desain