SAWIRO : Maxaa ka cusub magaalo madaxda gobolka Gardafuu ee Caluula

SAWIRO : Maxaa ka cusub magaalo madaxda gobolka Gardafuu ee Caluula




BAARGAAL.NET( caluula - Gobolka Gardafuu) waxaa maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 12/10/2017 lagu qabtay sida ay caadadu ahayd magaala madaxda gobolka gardafuu ee caluula shirkii todobaadlaha ahaa ee lagaga hadli jiray waxyaabihii qabsomay totabaadkii lasoo dhaafay iyo wax yaabaha aan qabsoomin iyo sidii wax loga qaban lahaa.


shirka todobaadkan ayaa waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha gobolka Gardafuu mudane maxamuud axmed caynab (gubsul) oo mudooyinka ku sugnaa magaala madaxda gobolka ee caluula si uu u dardargaliyo hawlaha shaqo ee gobolka waxaana kamid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb gashay shirka maanta isuduwaha wasaarada arimaha gudaha iyo dawladaha Hoose mudane C/qaadir maxamed jaamac (C/qaadir caato ),taliyaha qaybta general maxamed xirsi cumar , isuduwaha wasaarada dekedaha iyo ladagaalanka burcad badeeda mudane Axmed waabari , maamulaha wasaarada kaluumaysiga ee degmada Caluula bashiir fangase , iyo maamulha wasaarada kaluumaysiga ee degmada murcanyo mustafe shaafici iyo masuuliyiin kale oo heer degmo ah.

shirka todobaadkan ayaa waxaa looga hadlay qodobo muhiim ah waxaana kamid ahaa qodobadii looga hadlay

1) Sidii loo dar dar galin lahaa dakhliyada dowldaha hoose ee dhamaan degmooyinka gobolka iyo dardargalinta cashuuraha badda berriga ayna degmada walba u gudan laheed in ay soo xareyaan canshuurta si loo gaaro himilada la hiigsanaayo

2) dardargalinta hawlaha shaqo ee wasaarada dekedaha

3) amniga

4)u diyaargariwga doorashada maamulka cusub ee badalaya maamulka ku meel gaarka ah ee degmada caluula , sida soo xulida xildhibaanada golaha deegaanka iyo doorashada gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa

markii la soo gabagabeeyay shirkii todobaadlaha ahaa ee maanta oo khamiis ah la qabtay ayaa masuuliyinntii ka soo qayb gashay shirka oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha gobolka gardafuu waxay booqasho kadis ah ku tageen saldhiga degmada caluula halkaasi oo ay ugu tageen taliyaha saldhiga degmada caluula taliye C/salaan maxamed caluula iyo ciidamada police ka degmada halkaas oo ay taliyaha saldhiga uga dhagaysteen warbixin ku saabsan xaalada saldhiga degmada Caluula iyo baahiyaha ciidamada policka ee halkaasi ku sugan
             










SHABAKADA BAARGAAL.NET <
isha wararka horumarka calbari  
Developed by Jago Desain