Posts

War Deg Deg Ah:- Wasiirkii Gaashaandhiga Iyo Taliyihii Ciidamada Soomaaliya Oo Is Casilay


Wasiirkii gaashaandhiga dawlada federaalka ah ee soomaaliya Cabdirashiid Cabdilaahi maxamed iyo taliyihii ciidamada xooga soomaaliya Axmed Jimcaale Geedi ayaa iska casilay xilkii ay ka hayeen dawlada.Wararka ayaa sheegaya in wasiirka gaashaandhigu uu warqada is casilaadiisau gudbiyey xubnaha golaha wasiirada soomaaliya ee uu hogaaminayo raysal wasaare Khayre, taas oo laga aqbalay shaqo ka tagistiisa iyada oo aan la ogayn sababta wakhtigan ku soo beegtay is casilaada wasiirka.

Dhinaca kale taliyihii ciidamada xooga soomaaliya Axmed Jimcaale Geedi(Cirfiid) ayaa isaguna iska casilay xilkii uu ka hayeyxukuumada federaalka ah.

Is casilaada taliyaha ciidamada ayaa keentay inuu madaxweyne Farmaajo magacaabo taliye cusub oo lagumagacaabo Cabdi Xuseen Jaamac(Gorod),iyada oo uu talo ka soo jeediyey wasiirka ku xigeenka gaashaandhiga oo codsaday in la magacaabo masuulkaasi.

Ilaa hada si dhab ah looma oga sababta keentay is casilaada wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidamada soomaaliya, iyada oo wakhtigan ay kacsan tahay siyaasada soomaaliya iyada oo uu khilaaf ka dhaxeeyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe.
Developed by Jago Desain