Boosaaso: Dekadda oo mar kale xirantay khilaaf cusub darteed

Boosaaso: Dekadda oo mar kale xirantay khilaaf cusub darteed
Dekedda magaalada Bosaso, ee xarunta gobolka Bari ayaa markale dib u xirantay, kadib markii Ganacsatada iyo maamulka Puntland ku heshiin waayeen lacagta canshuurta cusub ee la qaadayo.

Shirar socday mudooyinkii dambe ayaa natiijo la’aan kusoo dhamaaday, markii la isku fahmi waayay Tariifo cusub oo dowladda ka qaadi doonto Raashiinka iyo qalabka kale ee laga soo dejiyo Dekedda.

Tariifada cusub ayaa ah mida uu ka dhashay Khilaafkii hore ee Dekedda u xirantay, oo sababay dibadbaxyo cabasho ah oo ay sameeyaan Ganacsatada iyo dadka muruqmaalka ah ee ka shaqeeya furdada ayaa qoraalkaan ay soo saartey Wasaarada Dekadaha waxaa ka muuqda mid loo wareejiyey dhinaca badeecada dekada kasoo dagta.

Ganacsatada iyo dowladda ayaa markaasi wixii ka dambeeyay ku heshiiyay in mudo 10 maalmood ah lagu wado lacagahii laga qaadi jirey Gadiidka badda ee ku soo xiranaya dekada iyo tarri fooyinkii hore, oo ilaa xal laga helayana ay sii shaqeyso dekedda maadaama ay dad badan noloshooda ku tiirsan tahay.

Xirnaanshaha Dekedda hadda waxa uu ka dambeeyay iyadoo qiimo cusub ay xalay soo saartay Wasaarada Dakadaha, kaasoo ay ku xusan tahay lacagta la canshuuri doono cuntooyinka, qalabka dhismaha iyo alaabaha kale ee kasoo daga.

Warqadda Tariifada lasoo saarey ayaa ku xusan in halkii Ton (907Kg Kiilo garaam) oo Bariis, Bur, Sonkor iyo Qamadi laga qaadi doono lacag dhan 0.80USD.

Baasatada, Timirta iyo Saliida cuntada lagu karsado waxaa halkii Ton laga qaadayaa 3.5 USD, iyadoo badeecooyinka bagaashka, sida caanaha, kalluunka, Yaanyada iyo khudrada la bixinayo 1-kii Ton inta u dhaxaysa $3 ilaa $5 USD.
Ganacsatada ayaa diiday Tariifada cusub, oo ay sheegeen inaysan dani ugu jirin, waxayna joojiyeen shaqadii dajinta iyo rarista badeecadaha kuwasoo isaga kulan ay la qaadabayeen Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Puntland, sidaasina ku joogsatay howshii Dekedda.

Ismari-waagan taagan ayaa caqabad ku ah dhaqan-galka heshiiskii Puntland la gashay bishii April ee sanadkan PD ports oo laga leeyahay dalka Imaaraadka, kaasi oo dhigayey in Shirkadda ay maamusho dekedda mudo 30 sano ah, iyadoo ku maalgelinaysa ballaarinteeda iyo horumarinta adeegyadeeda qiimo lacageed oo gaaraya 336 Million oo Dollar.





SHABAKADA BAARGAAL.NET

Developed by Jago Desain