Carro ka dhalatay nin Israa’iili ah oo isku soo sawiray masjika nebiga NNKH + Sawirro

Carro ka dhalatay nin Israa’iili ah oo isku soo sawiray masjika nebiga NNKH + SawirroCarro ka dhalatay nin Israa’iili ah oo isku soo sawiray masjika nebiga NNKH + Sawirro

Sawir uu Nin yuhuudi Israa’iiliah ku dhex galay masjidka nebiga NNKH ee ku yaal Madiina ayaa caro badan ka dhex abuuray baraha ay bulshada ku wada xiriirto.

Ben Tzion oo 31 jir ah kuna dhashay Ruushka ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirro uu ku galay magaalooyin ku yaal Iiraan, Sacuudi Carabiya, Lubnaan iyo Urdun. “Shacabka Sacuudi Carabiya waxay garab istaagayaan qaranka Yuhuuda.Nabada ka curata Bariga Dhexe oo ku salaysan jecayl iyo is xushmeyn.” ayuu ku sheegay bartiisa Facebook.

Dadka aan Muslimka ahayn ayaa lagamamnuucay inay galaan magaalada Maka, waxaana lagula taliyaa inay ka joogsadaan qeybo ka mid ah bartamaha Madiina ee uu ku yaal masjidka nebigaNnkhn Balse Tzion ayaa sheegay in masaajidda Madiina ay u furan yihiin dadweynaha.

Ninkan oo sanadkii 2014 qaatay dhalashada Israa’iil ayaa u sheegay wargeyska Times of Israel inuu hiwaayad u noqatay booqashada dalalka Muslimka, uuna u gudbiyo farriin ah “ixtiraamidda dhaqanada iyo diimaha kale”.

Waxa uu sheegay in dadka Carabta ah ee uu la kulmay ay u muujiyeen “kalgacayl iyo maxabo ay u qabaan Israa’iil iyo dadka Yuhuuda ah”.

Tzion ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro uu ku galay magaalooyinka Tehran iyo Qom ee dalka Iiraan. Xukuumadaha Tehran iyo Tel Aviv ayaa waxaa ka dhexeysa cadaawad weyn, Iiraan-na ma ogola in muwaadiniinta Israa’iil ay dalkeeda galaan.

Mr Tzion ayaa booqday goob barakaysan oo ku taalla Iiraan inkastoo dad u dhashay Israa’iil ay mamnuuc ka tahay inay dalkaasi galaan Inkastoo uu nabad ka hadlayay, ayaa hadda sawirrada Tzion waxaa ka dhashay caro badan.24-kii saac ee lasoo dhaafay, in ka badan 90,000 oo farrin oo lagu baahiyay Twitter-ka ayaa looga hadlay booqashada ninkaas ee masjidka nebiga.“Culimadii ayaa xabsiyada ku jira, Yuhuudna waxay gashay masjidka nebiga. Waa wax laga xumaado,” ayuu qof Carab ah Twitterkiisa ku qoray.

Sida uu sheegay wargeyska Times of Israel, jawaabaha carada wata ee ka dhashay sawirrada ninkan ayaa dhaliyay in barta Instagram ay xayirto cinwaankiisa.

Arrintan ayaa kusoo beegamaysa xilliuu soo wanaagsanaanayo xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayagoo wadaaga mucaaradad ka dhan ah galaangalka sii kordhaya ee Tehran ay ku yeelanayso gobolka.

Taliyaha ciidamada Israa’iil Gadi Eizenkot, ayaa dhawaan u sheegay bar online oo laga leeyahay Sacuudiga in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu “xogta sirdoonka” la wadaago xukuumadda Riyaadh.




Developed by Jago Desain