Posts

DEG DEG SAWIRRO-Dibax kadhacay Boosaaso, dhimashada halqof iyo dhaawac 2 kale iyo

DEG DEG SAWIRRO-Dibax kadhacay Boosaaso, dhimashada halqof iyo dhaawac 2 kale iyo
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in magaalada uu maanta kadhacay banaabax sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac labo kale, sidoo kalena xanibay ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka ee Boosaaso.

Banaan baxaan ayaa intiisa badani wuxuu kadhacay wadada weyn ee ah wadnaha magaalada waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ciidanku dadka ku kala cayrinayaan si aysan ugu soo dhex dhuuman shaqssiyaad ammaanka wax u dhimaya.

Dibad baxayaasha ayaa ka soo horjeeda xirnaanshaha dekedda Boosaaso iyo qorshaha maamulka dekedda loogu wareejiyey shirkadda laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta, inkastoo xukuumada Puntland ay sheegaysi inaysan shirkadda iyo dowladdu wax lacago dheeraad ah ku soo rogin dekedda.

SAWIRRO







Developed by Jago Desain