Dhallinyarada WAAN DHISI KARNAA oo Nadiifinaaya Xaafadaha Magaalada Baargaal [Sawirro]

“WAAN DHISI KARNAA”

Magaalooyinka Soomaaliya waxaa ka billowday kacdoon ay wadaan dhallinyaro is xalqaamay kuwaasoo ka qeyb qaadanaya horumarka dalka.

Dhallinyaradan ayaa ka dhiidhiyey dhibaatooyinka ka jira magaalooyinka dalkeena, waxaana ay billaabeen barnaamiyo lagu hormarinayo.

Haddaba Magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu Waxaa Mudooyinkan ka socday olole ay wadaan dhallinyaro isxilqaamay kuwaasoo Nadiifinaaya Xaafadaha Magaalada Baargaal iyo wadooyinka iyo agagaarka Magaalada  si loo soo celiyo bilicda iyo quruxdii Maagaalada

Dhallinyaradaas oo la baxay “WAAN DHISI KARNAA”, ayaa isu xilqaamay inay is abaabulaan oo ay si mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan  uguna nadiifiyaan Magaaladooda iyo wadooyinkooda iyo meel kasta oo wax qabad u baahan oo dalkooda kamid ah 



ololahan ay bilaaeen oo ay fuliyeen dhalinyaradan iskood isu soo abaabulay ayaa aad looga soo dhaweeyay deegaanka iyo sida durba ay bilicii magaalada dib ugu soo cesheen

daawo sawirada maalin kamid ah shaqada dhalinyarada WAAN DHISI KARNAA















Developed by Jago Desain