Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm Sweden oo soo dhaweysay Gudoomiyaha Degmada Baargaal - SAWIRRO

Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm Sweden oo soo dhaweysay Gudoomiyaha Degmada Baargaal - SAWIRRO
Xaflad si qurux badan ay u soo agaasimeen jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm laguna soo dhaweynayey Gudoomiyaha degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu mudane Abuukar Axmed yuusuf (Abuukar indhacade) ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee xarunta dalka Sweden iyadoo ay ka qayb galeeen waxgarad iyo cuqaal jaaliyada ka tirsan.


Xafladan oo ahayd casho sharaf ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Stockholm waxay goobta ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu oo jaaliyada uga xog waramay xaalada guud ee dalka dhinacyada siyaasada iyo horumarka oo ay u hamuun qabeen warkiisa gaar ahaan deegaanada gaariwaa ee bariga fog ee soomaaliya 

waxaa kamid ahaa waxgaradkii ka hadlay casho sharaftan oo khudbado ku soo dhaweeyay gudoomiyaha mudane Abdirisaaq xaji Axmed , Suldaan Abubakar, Suldaan Siraaji ,Cadde yusuf ciise iyo Dr. Abuukar iyo akhyaar kale oo dhamaantood maka hore si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha magalada Stockholm iyo carriga Sweden iyaga oo goobtana ugu gudbiyay talooyin wax ku ool ah ayagoo aad ugu dheeraaday ahamiyada midnimada iyo wadajirka soomaaliyeed iyo in ay qurbajoogtu markay dalkii booqdaan aysan ku ekaan caasimada soomaaliya iyo magaalooyinka waawayn balse ay booqdaan oo ka hawlgalaan daagaanada fogfog ee laamiga ka baxsan ee ilaahay ku manaystay billicda iyo khayraadka oo ah deegaano aad dalxiiska ugu fiican 



Gudoomiyaha degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu mudane Abuukar Axmed yuusuf oo ka hadlay munaasibada yaa ka mahadceliyey sida quruxda badan ee reer sweden u soo dhaweeyeen, isaga oo amaanay isku duubnida iyo wadajirka jaaliyada soomaaliyeed ee Stockholm asagoo balan qaaday dhamaan farimihii iyo talooyinkii loo dhiibay in uu dalkii kula noqon doono 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada calbari

halkan ka daawo sawiro














Developed by Jago Desain