AKHRISO:-Maraykanka oo duqeyn ka fuliyey deegaano ka tirsan puntland

Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in hal argagixiye ku dhintay duqeyn ka dhan ah Daacish oo ay ka fuliyeen Waqooyi Bari Soomaaliya. Dowladda Maraykanka ayaa horraantii bishaan bilowday beegsiga kooxdaan yar,laakiin sii fidaysa ee Daacish. Bilowgii sannadkaan maamulka Trump ayaa ballaariyey weerada militari ee ka dhanka ah xagjirka,gaar ahaanna Al-shabaab ee xiriirka laleh Al-Qaeda. Daacishta Soomaaliya oo la sheegay in ay gaarayaan 2oo, ayaa tiro badan oo kamid ah Al-shabaab ka soo goosteen. Diyaaradaha drones-ka Maraykanka ayaa sannadkaan qaaday in ka badan 20 weerar oo ka dhan ah ururada xagjirka ah.


Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in hal argagixiye ku dhintay duqeyn ka dhan ah Daacish oo ay ka fuliyeen Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa horraantii bishaan bilowday beegsiga kooxdaan yar,laakiin sii fidaysa ee Daacish. Bilowgii sannadkaan maamulka Trump ayaa ballaariyey weerada militari ee ka dhanka ah xagjirka,gaar ahaanna Al-shabaab ee xiriirka laleh Al-Qaeda.

Daacishta Soomaaliya oo la sheegay in ay gaarayaan 2oo, ayaa tiro badan oo kamid ah Al-shabaab ka soo goosteen.

Diyaaradaha drones-ka Maraykanka ayaa sannadkaan qaaday in ka badan 20 weerar oo ka dhan ah ururada xagjirka ah.



Developed by Jago Desain