SAWIRO: Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

SAWIRO: Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dalkaasi.

Safarkan waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, La-taliyeyaal iyo xubno kale.

Safarka Madaxweynaha uu ugu ambabaxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu yahay mid si wayn indhaha loogu haayo, maadaama xiriirka labada dal uu liito.

Madaxweyne (Farmaajo) ayaa doonaya inuu sare u qaado xiriirka labada dal ka dhaxeeya, sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan in Imaaraadka Carabta ay tahay xarunta dhaqaalaha laga siiyo dadka mucaarada Dowladda.

Developed by Jago Desain