Turkiga oo diiday dalab kaga yimid dalalka deeq bixiyayaasha Somalia

Turkiga oo diiday dalab kaga yimid dalalka deeq bixiyayaasha Somalia

Dowladda Turkiga ayaa ku gacan seertay isku dayo deeq bixiyayaasha caalamka ay doonayaan in deeqda ay siiso Soomaaliya laga dhigo mid ku xiran beesha caalamka, oo aysan toos ula macaamilin dowladda federaalka.

Professor Michael Woldemariam oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Boston ayaa sheegay in deeq bixiyaal badan ay isku dayeen inay dhanka xun u qaloociyaan taageerada Turkiga ee Soomaaliya, ayaga oo ku eedeeyey inay wixii ay doonaan ay dalka ka sameystaan.

Woldemariam waxa uu sheegay in Turkiga uu u diiday inuu beesha caalamka Soomaaliya ka mid noqdo, sababtuna ay tahay ayaga oo aan dooneyn in lala xiriiriyo faro-gelinta ay quwadaha shisheeye ku hayaan Soomaaliya.

Dalal badan oo ka mid ah kuwa Soomaaliya caawiya waxay leeyihiin taariikh aysan Soomaali badan la dhacsaneyn, Turkigana ma doonayaan inay taas qeyb ka noqdaan” ayuu yiri.

Woldemariam ayaa sheegay in go’aanka Turkiga ee ah inuu toos u caawiyo Soomaalida, uu ka dhigay mid ay Soomaali badan la dhacsan yihiin, soona dhaweeyaan.

Waxa uu sheegay in Turkiga uu yahay dalka ay dadka Soomaalida ugu jecel yihiin, sababta oo ah wuxuu doortay hab ka duwan qaabkii Soomaalida loo caawin jiray, oo ah inuu wax qabad rasmi ah muujiyo, oo uu ka howlgalo gudaha Soomaaliya.
Developed by Jago Desain