War Deg Deg Ah:Wasiirka MaaliyaddaSoomaaliya Bayle Oo Ka Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Muran dhexmaray isaga iyo Raysal Wasaaraha.

War Deg Deg Ah:Wasiirka MaaliyaddaSoomaaliya Bayle Oo Ka Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Muran dhexmaray isaga iyo Raysal Wasaaraha.

Sida ay xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dalka Xassan Cali Kheyre waxaa goor-dhaw ka baxay Shirka Golaha Wasiirada oo ka socda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle, kadib muran soo kala dhaxgalay Wasiirka iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Saraakiil lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in shirka uu soo bilaawday Saakay 9:15 Am ilaa waqtigaana uu ka socda Guriga Ra’iisal Wasaaraha waxaana jira doodo kulul oo u dhaxeeya Xubnaha ka qeyb galaya Shirkaas.

Wasiirka Maaliyadda iyo Ra’iisal Wasaarahaayaa la sheegay in ay dood dhaxmartay Muddo dhowr daqiiqo ah kadibna waxaa Shirka ka soo baxay Wasiir Bayle.

Waxaa Guriga Hooyooyinka lagu dhax-arkayay Shaqaale la socday wasiirka Maaliyada ka dib Markii uu shirka ka soo baxay.

Lama oga waxa uu salka ku haayo Khilaafka Wasiirka iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Arintaan ayaa ku soo beegmayso iyadoo maalintii Shalay ay ku dhawaaqday iscasilaadeeda Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maryan Qaasim Axmed waxayna iscasilaadeeda u cugsatay is bar bar yaacaka jira Shaqada Xukumadda.
Developed by Jago Desain