Posts

Wax ka ogow Qodobada La isku hayo Shirka Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada

Wax ka ogow Qodobada La isku hayo Shirka Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada

Waxa weli ka socda magaaladan Muqdisho shirka Madaxda dowlada iyo kuwa Maamul Gobaleedyada Soomaaliya iyadoo madaxda kulansan ay isku mari la yihiin qodobo badan taasoo keentay in shirku uu dhaafo xiligii loogu talo galay.

Qodobada ugu muhiimsan ee la isku hayo ayey ilo xog ogaal ahi sheegayaan iney ka mid tahay dood ka taagan Magaca Golaha iskaashiga ee dowlad gobaleedyada oo ay diidan tahay Dowladda Soomaaliya iney aqoonsato halka maamuladuna doonayaan in la aqoonsado oo marka War murtiyeedka la soo saarayo magacaas loo qoro.

Waxaa sidoo kale muran uu ka taagan yahay qodobada 53-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Dalka oo siyaabo kala Duwan loo fasirtay kuwaasoo kala qeexaya awooda dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada marka go’aan laga qaadanayo siyaasada arrimaha dibeda iyo arrimo kale kale waxaana laga yaabaa in qodobkan dib loo dhigo illaa shirarka dambe.

Sidoo kale waxaa la isku hayaa dacwad ay Madaxda Galmudug iyo K/Galbeed ka keeneen Xukumadda raisul wasaare Kheyrre oo ay ku eedeynayaan inay dumineyso labada maamul waxaana Natiijo ka soo baxda shirkan shuruud looga dhigay in Xukuumada soo afjarto xiisadaha ka taagan Baydhabo iyo Cadaado ee ka dhan ah madaxda labada maamul goboleed.

Waxyaabaha kale ee la isku mari la yahay waxaa ka mid ah Hindise sharciyeedyada ka soo gudba Golaha Wasiirada oo madaxda maamul goboleedyadu doonayaan in iyaga loo gudbiyo ka hor inta la hor dhigin Baarlamaanka Soomaaliya.

Hase ahaatee madaxda Xukumadda ayaa ku doodeya in Maamulada dalka aysan arintan door uga banaaneyn ayna ku kalsoonadaan wakiilada ay ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa isku dayaya iney xal kagaaraan qodobada la isku khilaafsan yahay si shirka looga mira dhaliyo, waxaana laga yaabaa in maalmo kale uu siisocdo shirkan inkastoo wararka qaarkood sheegayaan in maanta ama beri laga yaabo in la soo gebagebeeyo. 
Developed by Jago Desain