15 qodob oo ay ku guulaysatay dowlada Soomaaliyeed ee ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Khayre

15 qodob oo ay ku guulaysatay dowlada Soomaaliyeed ee ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Khayre
1. Dowladu waxay la koowsatay abaarihii baahsanaa ee sameeyey geyiga Soomaaliya oo idil dowladu si deg deg ah ayeey Uga jawaabtay waxaana gurmadka la gaarsiiyey dalka oo dhan
2. Dowladu waxay hoos u dhigtay musuqmaasuqa iyadoo guullo ka gaartay nidaamka dowlad wanaaga
3. Dowladu waxay ku guulaysatay inay mudadaas bixiso mushahaarka ciidanka iyo shaqaalaha dowlada si joogto ah
4. Dowladu waxay 3 jeer taabo gelisay jawi Soomaalidu ku wada hadli karto iyadoo ajenebi aanu ku dhex jirin tusaalle sedexdii shir ee dowlada dhexe iyo maamul gobolleedyada igusu yimaadeen kuma dhex jirin cid ajenebi ah
5. Dowladu waxay kor u qaaday niyada iyo mooraalka ciidanka qalabka sida, qalabayntooda iyo isku dhafka ciidanka xooga dalka
6. Dowladu waxay wiiqday cududii kooxda argagixisada ah ee alshabaab ciidanka qalabka sida ayaana guluf dagaal kula wareegay dhul baaxad wayn oo hore u maamulayeen alshabaab
7. Dowladu waxay go,aan taariikhi ah qaadatay khilaafkii khaliijka
8. Dowlada markii ugu horeeysay ayeey la soo wareegtay saxeexa mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo oo hore aan gacanta ugu jirin muddo 27sanno ah hada waxaa maamusha oo qorshaysa wasaarada qorshaynta qaranka
9. Dowladu markii kugu horeeysay ayeey gashay heshiiyo caalami ah oo horumarineed oo hore loo soo marin jiray hay’ado iyo ururo caalami ah
10. Dowladu waxay hoos u dhigtay fara gelinta dowladaha iyo ururada shisheeye tusaalle waxaa dalka 72saac gudahood looga saaray wakiilkii hay’ada FOA ee Soomaaliya waxaana arrimahii Soomaaliya oo ku xadgudbay nidaamkii dalka ku joogay, waxaa arrimhii Soomaaliya laga bedelay gabre
11. Dowladu waxay ku guulaysatay inay dalka dib ugu soo celiso 130 soomaali dibada maxaabiis ku ahayd hadana waxaa la fillayaa kuwo hore sida maxaabiista ku xiran India iyo Seychelles
12. Dowladu si wanaagsan ayeey u maaraysay masiibadii 14 October iyadoo in ka badan 100 dhaawac u daad gureeysay dalalka Turkiga, Sudan, Kenya iyo Jabuuti kuwii gudaha lagu daweeynayeyna waxaa qarashkii looga dhigay lacag la’aan
13. Dowladu markii ugu horeeysay ayeey ku guulaysatay inay hubka ka xakamayso caasimada lagana saaro Ciidankii Military-ga ahaa waxaana amaanka lagu wareejiyey ciidan gaar ah oo lagu magac daray ciidanka xallinta caasimada
14. Dowladu waxay abaabushay nidaamka isku tashiga waxaa la magacaabay Guddiga Taakulaynta Ciidamada si looga maarmo gacanta shisheeye, waxaa la abaabulay bulshada rayidka ee si aay Uga qayb qaataan nabada iyo dowladnimada
15. Dowladu waxay ku guulaysatay inay qaado xayiraadii socdaalka gaar ahaan Kenya Lana joojiyo in dadka Soomaaliya ka safra ku hakadaan wajeer.
Developed by Jago Desain