Akhriso– Isku Aadka Koobka Aduunka Wareegiisa Group-yada Oo La Sameeyay.

Akhriso– Isku Aadka Koobka Aduunka Wareegiisa Group-yada Oo La Sameeyay.

Isku aadka koobka Aduunka 2018 wareegiisa Group-yada ayaa la sameeyay iyadoo ay kasoo baxeen kulamo culus, waxaana isha lagu heyn doonaa wixii dhaca bartamaha sanadka soo aadan markaas oo la isugu imaan doono ciida qabow ee Russia.

Argentina iyo Nigeria ayaa mar kale isku arki doona wareega group-yada iyadoo la xasuusto iney isku arkeen koobabkii aduunka ee 2010 iyo 2014 waliba groupyada, dhinaca kalana ma dhicin kulamo waaweyn oo la filayay sida inuu England ku aado wadamada kale ee ugu waaweyn.

Wadanka loo saadaalinayo koobka Aduunka ee Brazil waxey galeen meel qabow marka loo fiiriyo iney ku qol tahay Switzerland, Costa Rica iyo Serbia.

Wadamada Africa waxaa fursadda ugu fiican heysta Senegal oo ku group noqday ay iska caabin karaan sida Poland, Colombia iyo Japan, dhanka kalana Egypt ayaa la oran karaa iney fursad fiican heysato madama ay ku group noqotay Russia, Uruguay iyo Saudi Arabia.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qaabka ay isugu aadeen Wadamada:

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

Group A
Russia
Saudi Arabia
Egypt
Uruguay

Group B
Portugal
Spain
Morocco
Iran

Group C
France
Australia
Peru
Denmark

Group D:
Argentina
Iceland
Croatia
Nigeria

Group E:
Brazil
Switzerland
Costa Rica
Serbia

Group F:
Germany
Mexico
Sweden
Korea Republic

Group G:
Belgium
Panama
Tunisia
England

Group H:
Poland
Senegal
Colombia.
Japan.
Developed by Jago Desain