Akhriso: Qaabkii loo dilay Madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdallah Saalax

Akhriso: Qaabkii loo dilay Madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdallah Saalax


Cali Cabdallah Saalax oo muddo 33 sano ah kasoo talinayey dalka Yemen ayaa maanta lagu dilay duleedka koonfureed ee magaalada caasimada ah ee Sanca, xili uu isaga baxay gurigiisa oo ay ku hareeraysnaayeen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Saalax ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inuu isaga baxay isbaheysigii uu la lahaa kooxda Xuuthiyiinta oo sanadkii 2015 la wareegay guud ahaan maamulka caasimada Sanca. Qabsashada Sanca ee Xuuthiyiinta ayaa waxaa xiligaasi u sahlay Cali Cabdallah Saalax oo isagu kasoo jeeda deegaankaasi xili uu mucaarid ku ahaa Xukuumada Cabdulrabi Mansuur Hadi.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo Cali Cabdallah Saalax oo xulafo soo ahaa tan iyo sanadkii 2015 ayey bilihii lasoo dhaafay xiisadi ka dhex taagneyd, waxaana jiray shaki labada dhinac soo kala dhex galay oo ku khasabtay xuuthiyiinta inay xabsi guri geliyaan Madaxweynihii hore.

Saalax oo 75 sano jir ahaa ayaa todobaadkan si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka baxay isbaheysigaasi xuuthiyiinta uuna diyaar u yahay wadahadal uu la galo Xulafada Sacuudiga, kadib markii uu warbaahinta kula hadlay gurigiisa Sanca.

Xoogaga hubeysan ee weli ka amar qaata Cali Cabdallah Saalax ayaa isla sabtidii la wareegay goobo badan oo kamid ah magaalada Sanca, arrintaasi oo kadis ku noqotay xuuthiyiinta.

Balse xaalada ayaa isbedashay maalintii ku xigtay ee Axadii kadib markii xoogaga Xuuthiyiinta ay duulaan rogaal celis ah ku qabsadeen intii badneyd deegaanadii ay ku sugnaayeen taageerayaasha Cali Cabdallah Saalax.

Saaka oo Isniin ah ayaa madfac lagu dhuftay guriga uu degenaa Cali Cabdallah Saalax, waxaana xooga yar kadib halkaasi isaga baxay kolonyo gawaari ah oo wada Cali Cabdallah Saalax iyo xubno isaga ku dhaw oo uu kamid yahay Yasser al-Awadi oo ahaa Xoghayihii xisbiga Saalax ee GPC, ninkaasi oo isagana la dilay.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo jidgooyo u tiilay xaafadaha ku hareeraysan goobta uu degenaa Saalax ayaa weeraray kolonyadan, iyagoona sheegay inay Baasuuke ku dhufteen gaariga uu saarnaa Saalax, iska horimad xoogan oo halkaasi ka dhacay ayaa sidoo kale lagu dilay illaaladii khaaska ahayd ee Madaxweynihii hore.

Saalax ayaa xiliga la dilay doonayey inuu koonfurta uga baxo magaalada Sanca si uu u gaaro goobta ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka qabiilkiisa oo 20km u jirta magaalada Sanca.



Filimaan telefonada gacanta lagu duubay ayaa lagu soo bandhigay meydka Cali Cabdallah Saalax oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdilmalik Al Xuuthi oo warbaahinta kasoo muuqday saacado kadib dilkii Saalax ayaa sheegay in hogaamiyahaasi iyo taageerayaashiisa ay galeen khiyaano Qaran markii ay la safteen Xulafada Sacuudiga, wuxuuna ku dooday in dhankooda ay isku dayeen in xal walba arrintan loo helo balse ay dagaal kala horyimaadeen kooxda Saalax.

Dilka Cali Cabdallah Saalax ayaa laga cabsi qabaa inuu waji cusub uu yeelo dagaalka maadaama uu kasoo jeedo mid kamid ah qabaa’ilka ugu hubka badan dalka Yemen isla markaana uu ku lahaa taageero xoogleh.

Cali Cabdallah Saalax ayaa mar walba oron jiray intuu xilka hayey “…Xukunka iyo Siyaasada Yemen waxay lamid tahay adoo ku dul ciyaaray Madaxyada Abeesooyinka…”

DAAWO.
Developed by Jago Desain