Akhriso war murtiyeedkii laga soo saaray Shirkii Qurba-joogta Beesha Siwaqroon ee Sweden Ka dhacay

Akhriso war murtiyeedkii laga soo saaray Shirkii Qurba-joogta Beesha Siwaqroon ee Sweden Ka dhacay

Shirka Qurbo Joogta Beesha Siwaaqroon oo socdey mudo sadex casho ah ayaa waxaa furey Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ku furey waano iyo wacdi kulana dardaarmey Qurbo joogta in ay midoobaan gacmahana is qabsadaan, waxuu Beeldaajaha kusoo gabagabeeyay duco uu usoo jeediyay tolka iyo Qurbojoogta, shirka waxaa kasoo qeyb galay dadweyne fara badan oo ka kala yimid Yurub iyo Waqooyiga America.

dhanka kale waxaa khadka telefonka uga soo qeyb galay siyaasiyiinta beesha ee heer gobol iyo mid federal iyo waliba siyaasiyiin culus oo horey xilal uga soo qabtay wadanka, sidoo kale waxaa khadka telefonka uga soo qeyb galay wax garad badan, cuqaal iyo qeybo kale oo ka mid ah bulshadeena sida Dumarkeena sharafta badan iyo dhalin yaraba, oo kasoo hadlay Wadamada America, Australia Britain, Belgium,Canada, Denmark, France, Germany iyo Soomaaliya. 

Ugu danbeyntii waxaa maalintii sadexaad ee 23ka December soo xiray shirka Nabadoon Axmed Salaad Abdirahmam oo jooga magaalada Baargaal,kuna soo khatimey in dadku is raacaan wanaagna laysku raaco dalka iyo dadkana wanaaga lagala shaqeeyo. Waxaa shirka kasoo baxay baaqan hoose: 

Qabanqaabada Shirkan Qurba joogta Siwaaqroon oo soo socday muddo 6 bilood ah gabagabadiisiina laguna qabtay magaalada Vestares ee dalka Sweden. Wadatashiyo isdabajoog ah oo ay yeesheen, waxgaradka, Aqoonyahanka Haweenka iyo dhalinyarada Beesha Siwaaqroon oo ka kala yimid Qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga America ayaa waxa ay isla gorfeyeen ajendaha shirka oo ka koobnaa Midaynta Qurbajoogta, Siyaasadda iyo Horumarka deegaanka ay beesha degto, ayadoo la ogsoonyahay in Gobolka Gardafuu uu yahay ilaha dakhliga canshuuraha dowlada Puntland. 

Puntland waxaa lagu dhisey 1998 heshiis ay isla qaateen qabaa’ilka iyo dadka dega deegaanada Puntland kuna dhisan awood qeybsiga dhinacyada sharci dejinta, golaha fulinta iyo shaqaalaha ka shaqeynaya haya’adaha dowlada oo ay beelaha wada dega Puntland ay ahayd in ay si dheeli tiran wax u wadaagaan. Hase yeeshee nidaamkii wax lagu dhisey ayaa si bareer ah loo hareer maray, oo ay ka dhalatey awood iyo sad bursi. 

Sidaa daraadeed Beeshu waxay u aragtaa habka Puntland u shaqeyneyso inuu yahay mid ku dhisan cadaalad daro. Beesha Siwaaqroon waxa lagu amaanaa in ay tahay beel nabadeed kuna mutaysatay tixgalin iyo sharafba in ay ku yeelato dhamaan mujtamaca Soomaaliyeed dhaxdiisa gaar ahaan walaalahood reer Puntland ee kula nool sharaf iyo wanaag, sidaas awgeed waxay qurba joogta beeshu taageerayaan in la xoojiyo ilaalinta nabad galyada, wadajirka Puntland iyo tan Somaaliyeedba. 

Ugu horeyntii waxaan baaq nabadeed u direynaa Beelaha walaalaha ah oo dirirtu ku dhax martey deegaanka Cagaare iyo Hoowdka, waxaan usoo jeedineynaa dhiiga dadka walaalaha ah ee halkaas ku dagaalamaya in si shuruud la’aan ah loo joojiyo lagana shaqeeyo sidii loo heli lahaa nabad waarta. 

Shirkan oo qaatey mudo sadex maalmood ah ayaa waxaa kasoo baxay war murtiyeedkan: 

1- Ururinta ilaha wax ku oolka ah ee Jaaliyada Siwaaqroon. Dhisidda barnaamij xog aruurin ah si loo wadaago loogana faaiideysto 
2- Adkaynta wadajirka iyo is dhiiragalinta. 

3- Qurbo joogta Beesha Siwaaqron waxay taageero buuxda la garab taagan yihiin gabdhaha Beesha Siwaaqroon ee u istaagey barnaamijyada kheyriyaadka ah ee Raascaseyr Kulmiye oo qabtey dhismaha cusbitaalka Caluula, gurmadka abaaraha iyo gargaarka ay sida joogtada ah ugu fidinayaan walaalaheen dhibaateysan.

4- In laga shaqeeyo horumarinta Gobolka Guardafu iyo Deegaanada kale ay Beesha degto sida gobolada Bari, Sanaag, Jubada Hoose, ee dhinacyada , taageridda, bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo Siyaasadda. 

5- In Qurbo joogta Beesha ay kala shaqeeyaan dimoqaraadiyadda, maamul wanaaga sida ay uga hirgali lahaayeen degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Gardafu iyo deegaanada kale ee Beeshu wax ka degto. 

6- Qurbajoogta in ay u adeegaan dhamaan deegaanada beeshu degto ayagoo waliba la shaqeynaya hogaan dhaqameedkooda, siyaasiyiintooda heer gobol iyo mid federal. 

7-Gobolka Gardafuu waxa uu ka mid yahay gobolada Puntland kuwa ugu kheyraadka badan, hadana maamulka Puntland waxuu dayacay inuu ka gargaaro kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, Isla markaasina ma aanu helin awood qeybsigii siyaasada ay xaqa ugu lahaayeen Puntland, sidoo kale xataa waxaa la duudsiiyay ilaha dhaqaalaha ee kasoo baxay deegaankooda oo aan dib loogu celin. 

8-Waxaan dowlad goboleedka Puntland xasuusinaynaa in dalku ku dhisan yahay nidaam federali ah sidaas awgeed waa in dhamaan gobolada xubnaha ka ah Puntland ay si siman u helaan xaqa iyo saamiga mashaariicda horumarineed. 

9- Waxaan Wasaarada Qorsheynta Caalamiga Iyo Maal Gashiga ee dowlada Federaliga ah ku casuumeynaa in ay wafdi xaqiiqo raadis ah usoo diraan gobolka si ay u arkaan xaaladaha dib u dhaca ee hormarineed iyo fursadaha maalgashi ee ka jira gobolka. 

10- Sidoo kale waxaan ku baraarujineynaa Dawladda Federaaliga ah in aysan aqbalin mashaariic horumarineed ee Puntland laga fulinaayo hadii aan Gobolka Gardafuu aysan qeyb ka ahayn ama saami ku lahayn, dib danbana aysan u ogolaan cadaalad darida ka jirta Puntland ee ku dhisan in gobolo iyo deegaamo gaar ah la dhiso oo la hormariyo kuwa kalena la duudsiiyo xaquuqdooda.

11-Waxaan haya’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland ama ku sugan Somaaliya ugu baaqeynaa in ay yimaadaan kana howl galaan gobolka Gardafuu maadaama gobolkan baahi wayna u qabo mashaariicda horumarineed sida in lala soo baxo kheyraadkiisa.

12- In dowlada Federaliga ah gaar ahaan Wasaarada Kaluumeysiga soo faragaliso Maraakiibta Sharci darida uga Kaluumeysta islamarkaasna heysta ruqsadaha aan sharciga waafaqsaneyn oo uu maamulka Puntland siinaayo maraakiibta xaalufinaya kheyraadka badaha ku teedsan gobalka Gardafuu.

13- Maamulka Puntland waxa uu ku xadgudbey nidaamka wax ku qeybsiga siyaasada, markii Beesha Siwaaqroon kursigii ay ku lahayd aqalka sare la dhaafiyay isla markaana aan laga qeyb galin tartankii loo galayay kuraastaas.

14- Ayadoo ay jirto dhamaan ku xadgudubyada awood qeybsiga loo geystey Beesha ayaa waxaa waliba Beesha u dheer in laga qaadey xubno ay lahayd sida Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Bari iyo Golaha deegaanka ee Degmada Boosaaso xubnihii ay xaqa ugu lahaayeen. Ugu damabayn waxaan dhamaan Dawladda Federaalka, MaamulkaDawlad Goboleedka Puntland, Isimada Puntland iyo Hay’adaha Caalamiga ah ugubaaqaynaa in ay wax ka qabtaan cabasha Qurbajoogta Beesha siwaaqroon ay soo jeediyeen.

Shirkan wuxuu taageero buuxda ka helay dhamaan hogaan dhaqameedka, siyaasiyiinta beesha, kuwii hore iyo kuwa haatan jooga, iyo beel weynta Siwaaqroon dal iyo dibadba. Shirkan Dalka iyo Dibadiisaba. waxaa xigi doona shirar kale oo Beeshu aayaheeda kaga tashan doonto

Wabillaahi Towfiiq
Jaaliyadda Qurbajoogta Beesha Siwaaqroon.e
Developed by Jago Desain