Daawo sawiro:Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii odayaasha Degmada burtinle iyo wafdigii madaxwayne C/wali Gaas.

Daawo sawiro:Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii odayaasha Degmada burtinle iyo wafdigii madaxwayne C/wali Gaas.
Waxaa mudo 24 saac ah deegaanka Burtinle ee gobolka nugaal ku sugan madaxwaynaha dawlada puntland professor c/wali maxamed cali gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayay ayagoo ku guulaysay inay ku qanciyaan beelaha deegaankaasi inay nabad iyo daganaasho ku soo dabaalaan xurguftii dhexmartay beelaha walaalaha ee wada dega .

Kulan Saacado socday oo dhexmaray madaxwayne cabdiwali gaas iyo odayasha Beelaha ayaa ugu danbayn waxaa uu kusoo dhamaaday in guddi loo saaro xaalada deegaankaasi.

Guddi nabadayn ah oo nabad kusoo dabaala dhibaatada ka dhextaagan dadka walaalaha ah ee wada degan degaanka cagaare ayaa maanta 22 December 2017 waxa ay ka ambabaxeen magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, iyagoona ku jeeda dhanka furinta colaada.

Guddigan oo ka kooban Isimo, Culumo Aw-diin, nabaddoono, cuqaal, waxgarad, xeel-dheerayaal, ganacsato iyo culumaa’udiin ayaa ka hor intaanay ka anbabixin degmada Buurtinle ayaa waxaa ay la hadleen iyagoona baaq nabadeed u diray lada beelood ku dagaalamay degaanka Cagaare.






Developed by Jago Desain