DEG DEG: Xayawaan aan la aqoon oo dad ku cunay Magaalada Muqdisho

DEG DEG: Xayawaan aan la aqoon oo dad ku cunay Magaalada Muqdisho

ilaa 3 qof oo Hooyo iyo Caruur isugu jiray ayaa ku dhaawacmay, kadib weerar uu Xayawaan aan illaa iyo iminka si rasmi ah loo xaqiijin Magciisa uu ku qaaday dad shacab ah oo degan Xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile.

Aabe Deegaanka ah ayaa sheegay in Xayawaan ay ku qayaaseen in uu ahaa Madax Quti Xayawaanka loo yaqaanno uu siyaabo kala duwan ugu dhaawacay illaa 3 qof Xaafadda Oodweyne ee degmadaasi Dayniile.

Dadka dhaawacmay oo Hooyo iyo Caruur isugu jiray ayaa la xaqiijiyay in loola cararay Isbitaal ku yaalla Xaafadaasi Oodweyne ee degmada Deynille.

Dhacdadaan ayaa ah mid ugub ku ah dadka ku nool Xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile, iyadoo dadka deegaanku saacadihii la soo dhaafay ay si weyn u hadal hayeen arrintaasi.
Developed by Jago Desain