Dooda Todobaadka : muxuu barlamaanka Puntland uga hadli waayay xaalka Dekeda Boosaaso

Dooda Todobaadka : muxuu barlamaanka Puntland uga hadli waayay xaalka Dekeda Boosaaso
Barlamaanku waa hay’add fulineed oo matasha Shacabka una dhaxaysa shacabka iyo dawlada markii khilaaf yimaado ama wax laysku maan dhaafo , waana nidaamka ka celiya in madaxdu ku takrafalaan hanti shacab iyo awooda gacanta ugu jirta  waana rukun kamid ah  rukummada asaaska u ah maamulka dawliga ah

waajibaadka ugu wayn ee uu barlamaanku u hayo dawlada waa ilaalinta dastuurka iyo la xisaabtanka masuuliyiinta iyo kanoqoshada wax dhibaato u keeni kara bulshada oo aysan maslaxadi ugu jirin sida heshiiskii dekeda boosaaso mudada 30ka sano ah loogu wareejiyay shirkada P&O Ports ee dubai laga leeyahay iyadoo dekeda loo raadin karin dawlad inuu deeqda dhismaha dekeda oo aan wax badal celin ah nagu xirin sida shiinaha , kuwait , boqortooyada sucudiga ama walaalaheen turkiga maxaa yeelay soomaaliya maaha dawlad sida maraykanka ah oo heshiis noocaasi ah ka bixi karta 

hadabada su'aasha taagan ayaa waxay tahay maxay qabtaan oo ku mashquulsan yihiin xildhibaanada Puntland oo aysan wali u soo faragalin waayeen arina ka taagan dekeda boosaaso , yayse ku daawanaayaan  

Ma waxay sugaayaan in laysku laayo oo dhibi ka dhacdo- Ma waxay madaxwayne gaas ka iibsaeen awoodoodii dustuuriga ahayd
Ma sir iyo cajalado qarsoon baa laga hayaa oo ma hadli karaan
Ma waxay ka qaracanyihiin talaabada Madaxwayne cabdiwali gaas oo ay horay ugu digeen oo waxay damacsanyihiin inay mooshin kadis ah talada puntlanad uga tuuraan oo ayagu dalka ka sii taliyaan inta ay doorasho dhacayso
ma waxaa ku dhacay maskax guur oo odaayshu odaayshii hore maaha oo mar hore baa Madaxwayne gaas iyo xertiisu wax u qoosheen


su'aalahaa iyo kuwo kale oo badan ayaa iswaydiin mudan oo u baahan in laga wada doodo 

hadaba falcelis la'aanta barlamaanka puntland maxay adiga akhristow kula tahay fikirkaaga iyo aragtidaada hoos ku soo qor 



Developed by Jago Desain