khilaaf Cusub oo u dhaxeeya Madaxwaye Gaas iyo Xildhibaanada Barlamaanka Puntland

khilaaf Cusub oo u dhaxeeya Madaxwaye Gaas iyo Xildhibaanada Barlamaanka Puntland

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa ka horyimid xubno gaaraya 7 oo uu magacaabay madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland prof. C/wali Maxamed Cali Gaas,kuwaas oo ay xildhibaannada diideen.

Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay 7 xubnood oo uu ka koobnaanayo Guddiga doorashada Madaxweynaha ee Puntland,taas oo dhaceysa Sanadka 2019ka.

Xildhibaannada ayaa diiday Magacaabista Guddigaas oo ay ku doodayaan in qaarkood aysan ku saleysneyn sharciga Puntland halka XIldhibaannada qaar ay guud ahaanba xubnaha guddiga ku diideen in ay u badabyihiin kuwo u janjeera dhinaca Gaas.

Madaxweyne Gaas oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ayaa markii uu tagay magaalada waxaa uu la kulmay XIldhibaannada diidan Guddiga doorashada Puntland ee 2019ka.


Kulankaas ayaa ku dhamaaday isfaham waa waxaana wali jira khilaafka u dhaxeeya Gaas iyo Xildhibaannada diiddan magacaabista Guddigaas oo ay ku eedeeyeen in uusan ahayn Guddi dhex dhexaad ka noqon kara doorashada Puntland ee 2019-ka.
Developed by Jago Desain