Madaxweyne Farmaajo Oo Ku soo Wajahan Puntland

Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Wajahan Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa maalmaha soo socda ku soo wajahan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad goboleedka Puntland.
Ilo ku dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dhawaan Madaxweynahu safar ku tagi doono Deegaanada Puntland.
U jeedada socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in uu ka qeyb galayo Munaasabad lagu daah furayo garoon si Casri ah looga dhisay puntland
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulamo la leh Madaxda Puntland oo uu kala hadli doono arrimo ku aadan xaaladda guud ee Dalka.
Waa markii ugu horreysay ee uu madaxweyne Farmaajo tagayo Magaalada Garoowe, tan iyo markii loo doortay Sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya.
Developed by Jago Desain