Qadar oo go’aan geesinimo leh ku soo bandhigtay Shirkii Amniga Muqdisho

Qadar oo go’aan geesinimo leh ku soo bandhigtay Shirkii Amniga Muqdisho

Dowladda Qatar ayaa go’aan geesinimo leh oo ay ku taageereyso dowladda Soomalaaya ku soo bandhigtay shirkii Amniga Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay.

Agaasimaha waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha diabdda Qatar Danjire Daariq Bin Ali Al ansari ayaa sheegay in dowladda Qatar ay taageereyso dadaallada Bani aadamnimo ee Soomaaliya si ay uga soo kabato iyadoo ay taageerada soo marineyso Bisha Cas ee Qatar iyo Qatar charity. Wuxuu intaas raaciyay in Qatar ay la shaqeyneyso dowladda Soomaaliya iyadoo maalgelineysa qorshaha dowladda Soomaaliya ee National Development Plan.

Wuxuu sheegay in sanadkii 2010-ka ay dowladda Qatar gargaar ahaan Soomaaliya u siisay $210 Milyana oo doolar, isla markaana ay dhowaan la saxiixatay dowladda Soomaaliya heshiis ay ku baxeyso lacag dhan 200 Milyan Doolar oo lagu bixinayo mashaariic shaqo abuur, Dhisme kaabayaal, Waxbarasho, xoojinta dhaqaalaha ay ka mid yihiin. Qatar ayaa dowladaha kale ugu baaqday inay si toos ah u taageeraan dowladda Soomaaliya iyo baahiyaha ay qabto.

Agaasimaha waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha diabdda Qatar Danjire Daariq Bin Ali Al ansari ayaa Muqdisho kula kulmay wakiilka Q/Midoobay ee Somalia iyo diblomaasiyiin kale, iyadoo doorka Dowladda Qatar ee arrimaha Soomaaliya uu sii kordhayo.
Developed by Jago Desain