Sawiro:-Shirka Qurba-Joogta Beesha Siwaqroon oo Muhiimadiisa La Shaaciyay.

Sawiro:-Shirka Qurba-Joogta Beesha Siwaqroon oo Muhiimadiisa La Shaaciyay.

Waxaa Lasoo gaarey gunaanadkii Shirka Qurba-joogta Beesha Siwaqroon kaasi oo ka Soconaya wadanka Sweden gaar ahaan Magaalada västras waxaana uu shirkaasi ku saabsanaa Mideynta Beesha iyo sidoo kale Shirwayne ay yeelato beesha iyo Hurumarinta Deegaanka kaasi oo lagu saleenayo laxisaabtan dhab ah oo lala yeelanayo Dowlada Puntland iyo Dowlada Dhexe hadaba waxaa kasoo qayb galay isimo cuqaal wax garad kasoo jeeda beesha kuwaasi oo ka kala Yimi daafaha dunida 

waxaana Khadka Telefoonka oga qaybqaatay Wasiir ku xigeenka Amniga dowlada federalka Somaliya Mudane C/Naasir Siciid Muuse iyo Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha federalka Dowlada Puntland Mudane C/fitaax Siciid Caynab waxaana ay ka hadleen ilaalinta nabada iyo hurumarinta deegaanka iyo daris wanaaga waxayna aad ugu bogaadiyeen shacabka reer Guarfauu inay ka shaqeeyaan Hurumarka reer ka iyo wax soo saarka dalka.





Sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiya Gobalka Guarfafuu Mudane Maxamuud Ahmed Caynab (Kubsul) oo isagu ku nuux nuuxsadey xaaladaha deegaanka iyo wax yaabaha ka taagan. sidoo kale wuxuu sheegay in Gobalka u baahan yahay wax qabad dhab ah Kaasi oo ay ku mideysan yihin Qurba-joogta beesha iyo daljoogta beesha.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shirka Ex. Wasiir Pro. Aadan Maxamed Ali wuxuuna u muujiyay taageero isagoona ku baaqay in mid laga wada noqdo ilaalinta hurumarkana lagana wada shaqeeyo dal iyo dibadba.

Waxaa isaguna khadka telefoonka kaga qaybqaatay Nabadoon Axmed Salaad C/raxmaan oo isagu ku sugan Degmada Baargaal ahna isim kamid ah isimada Puntland waxaa uu nabadoonka ka hadlay wada jirka Beesha ka shaqeynta hurumarinta deegaanada ay beesha degto iyo sidoo kale daris wanaaga.


Caaqil Faarax Fuqyare ayaa isaguna ku daray dardaaran talo iyo soo jeedin isagoo hadalkiisa ku soo qaatay ka shaqaynta amaanka isku duubnida beesha.

Sidoo Kale waxaa shirka ku sugnaa Korneel C/kariim Maxamud Cismaan (Gacma Gaab) waxaa uu Korneelka ka hadlay adkaynta Aminiga iyo sidoo kale dhisida ciidamada Gobalka sidoo kale waxaa uu sheegay in meel looga soo wada jeesto Burcad badeeda iyo sidoo kale Xaalufiyaasha Badda waxaana uu sheegay in arinkaa xaalufinta uu ku yahay Gobalka dhibaato iyo hoos u dhac.

Ganacsade Maxamud Maxamed Siciid ayaa waxaana uu ka hadlay in Gobalka uu u baahan yahay maalgashi iyo ganacsi shaqsiyadeed kaasi ka qayb qaadan kara kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobalka sidoo kale waxaa uu ka hadlay abuurida beeraha iyo wax soo saarka deegaanka iyo taaba galinta Barnaamijyada ganacsi ee yaryar .

Dhanka Haweenka Waxaa ka hadlay shirka Gudoomiye ururka Haweenka ee Gobalka Guardafuu Drs Yaasmiin saalax Xaaji Cumar waxaana laga dhageestay warbixin ku saabsan xaaladaha haweenka iyo wax qabadkooda waxaana ay soo bandhigtay baahida ka jirta Gobalka sida Cispitaalada iyo xarumaha hooyada iyo dhalaanka.

Sidoo kale Korneel C/fitaax Siciid Muuse ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxaana uu soo jeediyay xoojinta amaanka iyo in la helo ciidamo ku filan Gobalka kuwaasi oo wax ka qaban kara Burcadbadeeda iyo Arimaha Jariifka.

Nabadoon Mahad xasan Maxamed ayaa isagu kamid ahaa dad kii goob-jooga ka ahaa shirkan waxaana uu ka hadlay mideynta reerka iyo isfahamka siyaasada sidoo kale wuxuu ka hadlay wadashaqaynta isimada reerka iyo in la xaliyo waxay beeluhu kala tabanayaan si midnimada guud looga wada shaqeeyo.

Ugu danbeyntii waxaa Mahad balaaran loo soo jeediyay abaabulayaashii shirka oo ay madax u yihiin Caaqil Cabdi yuusuf Ciise (Cade) iyo Drs.Aamino muuse (Jaban) waxaana l lagu amaanay dadaalka dheeriga ah iyo dulqaadka ay muujiyeeen iyo sidoo kale adeega hufan oo ay u qabteen dhamaan kasoo Qaybgalayaasha Shirka Qurba-joogta Siwaqroon.


Xigasho: Umaddanews



Developed by Jago Desain